CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

5 Shay oo Sun ah Si Maalinle ah Aan U Isticmaalnno Caafimaadkana aan u Wanaagsaneyn

Noloshan casriga ah maaddooyinka kiimikada ah ee sida maalin laha ah aan u isticmaalno waxaa ka buuxa sun, waxaa ka mid ah barafuunka  iyo maaddooyin kale.

Sida uu qorayo website-ka “Life Hack“, waxaa jira waxyaabo badan oo sun ah oo aan si maalinle ah u isticmaalno, waxaa ka mid ah:

  1. Barafuunka

Cadarka/barafuunka waxaa ku jira maaddooyin kiimiko ah oo sun ah, tusaale ahaan; waxaa ku jira camphor, acetone, lanolin, benzyl acetate, ethyl acetate iyo ethylene chloride, waana sida lagu ogaaday daraasad ay sameysay wakaaladda ilaalada deegaanka ee dalka Mareykanka, marka maadooyinkaa aan soo sheegnay sanka laga qaato, waxay keeni karaan, dawakhaad, matag, hamaansi, dhuun xanuun, indha xanuun, jirka iyo sambabaha oo dhibaato soo gaarto, kalyaha oo waxyeello xoogleh soo gaarto iyo madax-xanuun.

  1. Furaashka sariirta

Joodariyaasha qaar waxaa lagu sameeyaa tiro badan “PBDEs” ee dhibaatada leh, taas oo hoos u dhigta nooca tayada manida ragga, mushkilado dhanka dhuunta ahna keenta, sidaa darteed waa la iska eegaa furaashka la iibsanayo in tiro badan oo maadaadaasi ahi ay ku jirto iyo in kale. [Waa marka baaritaanka aad dalkaaga ka helayso]

  1. Qalabka nadaafadda

Qalabka nadaafadda ee  casriga ah waxay leeyihiin dhibaatooyin farabadan, gaar ahan dhanka dumarka waxay ukeenaan cimridegdeg, sidaa darteed waxaa lagu talinayaa in waxyaabaha nadaafadda ee aaney kiimikada ku jirin la isticmaalo sida biyaha kulul iyo saabuun marista caadiga ah.

  1. Barafuunka nooca carfisada ah ee jawiga lagu bedelo

Waxaa ku jira maaddooyin sun ah, daraasad ay sameysay Jaamacadda California ayaa lagu ogaaday in cafsiyoonika hawada oo si xoog ah loo isticmaalo laga sumoobo.

  1. Caagadaha khudaarta

Caagadaha waxaa ku jira maaddo kiimiko ah oo raashinka lagu kaydiyo u gudba, sidaa darteed waxaa lagu talinayaa caagadaha in dhalooyin ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close