WararkaWaxbarashada

Daraasad Geological ah: Goolasha Messi oo Dhulgariir Ka Sameeya Gudaha Dalka Spain!

 

Tijaabooyin cilmi ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in goolasha Messi ay dhaliyaan dhulgariirro gudaha magaalada Barcelona, markasta oo Lionel Messi uu gool dhaliyo.

Sida ay sheegtay BBC, koox khubaro ah ayaa waxay baareen dhulgariirka ka dhasha agagaarka Stadium-ka Camp Nou ee ay ku ciyaarto kooxda Barcelona.

Qalabkii lagu baaray ayaa si cad u muujiyay in dhulgariir jiro, gaar ahaan marka ay taageerayaashu ka falcelinayaan goolasha Messi uu dhaliyo.

Qalabka dhulgariirka lagu qiyaaso waxa uu heerkiisii ugu sarreeyay tilmaamay xilligii ay ciyaarayeen Barcelona iyo Paris ee koobka horyaallada Yurub sanadkii lasoo dhaafay, Markaas oo Barcelona ay guul taariikhi ah ka gaartay kooxda Paris, celcelis ahaan natiijo gaareysa 5-6 gool, wadarta goolasha Labada kulan ee xilli ciyaaradkii hore dhex maray labada kooxood.

Khubarada ayaa carrabka ku adkeeyay in dadka xafladaha music-ga ah ka qaybgala ay sameeyaan dhulgariirro nidaamsan, maadamaa ay music habdhac leh la jaanqaadayaan, si ka duwan taageerayaasha kubadda cagta oo si filiqsan oo aan habaysneyn u dabaaldaga.

Maandeeq FM

Related Articles

Close