WararkaWaxbarashada

Dhallinyaro Iskood Isku Xilqaantay oo Wacyigelin Nadaafeed Ka Bilaabay Iskuullaadka Iyo Goobaha Caafimaad ee Magaalada Hargeysa

Koox dhallinyaro ah  oo iskood isku abaabulay ayaa wacyigelin la xiriirta saameynta taban ee nadaafad darrida ka sameeysay qaar ka mid ah Iskuullada iyo goobaha caafimaad ee magaalad Hargeysa.

Wacyigelintan waxaa ay inta badan siiyaan ardeyda dugsiyada hoose iyo hooyooynka ku sugan goobaha caafimaadka gaar ahaan meelaha xanaanooyinka ah ee M.C.H-yada ah.

Dhallinyarradan oo si iskood ah isku abaabulay ayaa ah urur ka shaqeeya nafaqeynta Hooyada.

Ibraahim Cabdi Cawad waxaa uu ka mid yahay kooxdan dhallinyarada ah waxaa uu ka warbixinayay ulajeedada ay xilligan u bilaabeen wacyigelintaan Nadaafadeed waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Waxaan wacyigelintaan u bilownnay in lagu jiro xilli roobaadka, waxaana yimaadda cudurro badan oo ka dhasha nadaafad darrida, waxaan maanta fullinay wacyigelin ku saabsan in aan lagu dabaalan biyaha wasakheysan”.

Farriimo xambaarsan ilaalinta nadaafadda iyo fayo dhowrka  ayay ku dhejiyaan darbiyada mudada ay ku jiraan howshooda wacyigelinta ah.

Dhaqaalaha ay ku shaqeeyaan dhallinyaradan waxaa ay ka keenaan lacago ay iyaga iska aruuriyaan, waxayna shaqeynayeen muddo sanad ah.

Si kastaba, is-xilqaanka dhallinyarada ayaa ah tusaale u baahan in lagu daydo, intii ay geed hoostii ku sheekaysan lahaayeen ayay ku doorbideen iney kaalin muhiim ah ka qaataan horumarinta bulshada iyo ku wacyigelinta nadaafadda oo ah ‘Iimaanka barkii’.

Maandeeq FM

Related Articles

Close