JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Shaqaale Kaliya oo Ku Filan Inuu Dhulka La Galo Company Dhan.. 5 Waddo oo uu Ku Sumeeyo Shaqaalaha Kale

 

‘Tufaax kaliya ayaa halleeya tufaax farabadan’, ‘Baruur kaliya ayaa qurmisa baruuro badan’.

Maqaal lagu qoray wargeyska “Harvard Business Review”, ayaa khubaradii soo diyaarisayay waxay aad uga digeen in shaqaale kaligii uu baabi’in karo company dhan oo dhisan, haddii aan laga feejignaan, marka qofkaa la dhex geeyo dad wanwanaagsan si uu u hagaago waxaa u hubaal ah inuu iyaga bedelayo intii uu isagu hagaagi lahaa.

Waxaa noo soo baxday, ayay leeyihiin khubaradan, daraasaddeenna faafitaanka cudurka xeeladaysiga iyo khiyaanada ee ku jira shaqaalaha gudihiisa waxa uu saameeyaa xitaa kuwooda ugu daacadsan, dadkaas dhaqankooda aan wanaagsaneyn ayaa kordha marka ay ka garab shaqeeyaan qof aan wanaagsaneyn. Isku dayga shaqaalaha wanaagsan iney saameyn ku yeeshaan saaxiibkooda khiyaanada badan oo ay dhanka wanaagga u soo jiidaan ay fikrad wanaagsan u muuqato ayaa hadana iney ka adkaadaan ay naadir tahay, waxayna u badan tahay inuu isagu ka adkaado oo uu kooxdiisa ku darsado.

Shaqaalahu iney khiyaamoolayaal noqdaan ayaa uga fudud intii ay dhaqanka daacadnimada ah baran lahaayeen!, waa xaqiiqo la ogaaday.

Dadka maamulka haya waa iney ku baraarugaan haddii uu jiro shaqaale uu shaki ku jiro daacadnimada shaqadiisa ay arrintaasi ugu kici doonto raad aan ciribteeda dambe la mahadin, dhaqanka qofkaasi waxa uu ku tallaalmayaan shaqaalaha kale oo dhan.

Dhanka kale, wargeyska Forbes ayaa waxa uu qoray 5 raad oo aan wanaagsaneyn oo shaqaalaha xumi uu ku yeesho saaxiibadiisa shaqada, waxaa ka mid ah:

  1. Qaanaacada Shaqaalaha kale oo hoos u dhacda

Wax lala yaabo maaha in shaqaalaha intooda badani aaney dooneyn iney la shaqeeyaan qof aan akhlaaq lahayn ama aan wanaagsaneyn.

  1. Mashaakil dhanka hurdada ah

Qofka xun waxa uu saameyn ku yeeshaa hurdada shaqaalaha wanaagsan oo waxyeeladiisa ka fakara xilliga habeenkii sidii ay uga dhowrsan lahaayeen dhibaatadiisa xilliga shaqada.

  1. Shaqo Bedelasho

Waxaa dhici karta in qof kaliya oo shaqaale xun ah uu kor u qaado shaqo ka-tagista company-ga si koox koox ah ay shaqaaluhu uga huleelaan, shaqooyin kale oo ka jawi wanaagsanna ay ka raadsadaan.

  1. Caafimaadka maskaxda oo dhibaato soo gaarto

Daraasaad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dhibaatada shaqaalaha xun uu u keeno asaaggii ay ka mid tahay in dhibaatooyin dhanka nafta ah uu soo gaaro, waxaa suuraggal ah in dhaqanka xun uu saameyn taban(nagativ) ku yeesho caafimaadka caqliga.

5.Dhaqan xumida oo si sahlan ku faafiyo

Cilmi-baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in shaqaalaha khaa’inka ah ee dhanqanka xun ay si sahlan ku gudbiyaan dhaqankooda oo ay ku tallaalaalaan shaqaalo badan, arrintu waxaa dhacaysa iney heerkaa ka sii gudubto oo shaqaalihii kale ay xumaantii iaygu sii faafiyaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close