arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Xaggee Ku Taalla Goobta Ugu Habboon ee Gantaallada Rocket-ka Laga Rido Dunida Guudkeeda?

 

Khubaradu waxay aaminsan yihiin in xeebta bari ee  New Zealand ay tahay halka ugu habboon ee laga rido gantaallada dunida guudkeeda sare.

Xeebta waqooyi-bari ee Jasiiradda ayaa ka mid ah goobaha ugu quruxda badan, waxaana sidoo kale ay tahay goobta ugu habboon ee laga tuuro gantaallada loo yaqaanno “Launch Comlex 1″, goobtan ayaa ku taalla dhinaca koonfureed ee badweynta Pacific.

Goobta ayaa muhiimadeeda gaarka ah leh marka laga eego booska ballaaran ee ay ku fadhido, safarrada badda iyo jawiga oo ku yar, sidaas oo kale waxay ka fog tahay deegaan  iyo goobo warshado waaweyn ay ku yaallaan. Sidoo kale waxa aan meesha ku jirin cawaaqib culus ee ka dhalan kara khalad kasta ee bilowga marka gantaalka la ridayo.

You-Tube/ Louis McKenna

Sidaas oo kale, waxaa muhiimadda goobta xoojineysa fogaanshiyaha ay ka fogtahay dhul-baraha , arrintaas oo ka dhigaysa in xawaaraha gantaalka uu heerka ugu sarreysa gaaro, isagoo ka faa’ideysanaya dhaqaaqa dhulka oo meel aad u sarreysay gaari kara.

Dhulkan ayaa waxaa milkiyaddiisa iska leh shirkadda “Rocket Lab” New Zealand iyo mu’asaso kale oo ka dhisan gobolka California ee gudaha dalka Mareykanka.

https://twitter.com/AkshatRathi/status/983681022729572352

Maandeeq FM

Related Articles

Close