WararkaWaxbarashada

6-da Calaamadood ee Lagu Garto Dadka “Garaadka Sare” Leh

Culumada cilmi-nafsiga ayaa sheegaya in dadka garaadka sare leh ay leeyihiin astaamo ka duwan dadka caadiga ah ee garaadkoodu uu dhex-dhexaadka yahay.

Astaamaha ugu muhiimsan ee ay dadkaasi leeyihiin waxaa ka mid ah:

-Jadwal Maalinle ah ma laha

Daraasaadka la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka garaadkoodu sarreeyo ay ku noolyihiin hadba sida waaqicooda biology-ga ah uu yahay. Caado ahaan sida dadka kale ay u hurdaan uma hurdaan, xilliga ay soo kacaanna dadka kale lama jaanqaadaan oo wuu ka duwan yahay. Daraasaad ay sameysay kulliyadda London ee dhaqaalah ayaa hoosta ka xariiqay in dadka hibada leh ay dhafarka u janjeeraan ilaa subixiina ay soo jeedaan.

-Kalsoonida ay naftooda ku qabaan oo yar!

Dadka IQ-du sarreeyo kalsoonida ay naftooda ku qabaan ma badna, maxaa yeelay; maskaxdooda ayaa ku bararugsan tahay in si sahlan khalad loogu dhici karo. Arrintan ayaa dhanka cilmi-nafsiga looga yaqaannaa “Dunning-Kruger effect“, dadka caqliga badan waxay ku baraarugsan yihiin khaladkooda, sidaa darteed waxay aaminsan yihiin in dadka kale ay ka fiican yihiin.

-Xasaasiyad daran oo ay ka qabaan wadada raashinka loo cuno

Dadka garaadka sare leh waxay dadka kale kaga duwan yihiin xasaasiyaddooda daran ee wadada raashinka loo cuno, inta badan ma jecla buuqa iyo sawaxanka goobaha lagu cunteeyo.

-Midabka Ishooda oo lagu garto

Natiijada laga gaaray daraasadak laga sameeyay Jaamacadda Louisville ee dalka Mareykanka ayaa lagu ogaaday in midabka wiilka-indhuhu dameeriga ah  ama bunniga yahay ay dadka leh dheer yihiin awood fikir oo aad u sarreysa marka loo eego asaagooda midabada kale.

-Sawirka xilliayda Firaaqada ay yihiin oo macno sameeya

Dadka jecel sawirka mechanical ah ee mishiinnada la sawiro waxa ay leeyihiin IQ aad u sarreeya.

– Negative 

Dadka caqliga badan waxay inta badan indhaha ku hayaan dhibaatooyinka iyo mushkiladaha ku hareeraysan, inta badan waxay ku fakaraan mushkiladaha jira. Sida khubarada Physiology-ga neerfaha ay qabaan, in xaqiiqada dhabta ah sida ay wax u jiraan lagu baraarugsanaado waa astaan dadka caqliga badan lagu yaqaanno, waxayna si caddaan ah ugu muuqda mushkiladaha nolosha ee la waajahayo, waa halka laga yiraahdo ‘Wanaag waxba kuuma dhibee khatar u toog hay.’

Maandeeq FM

Related Articles

Close