WararkaWaxbarashada

Khalad “Caan ah” oo Sababa Riyooyinka Argagaxa Leh ee Xilliga Habeenkii

Khubaro dhanka caafimaadka hurdada ku takhsustay ayaa ka digaya in la seexdo qol aad u kulul uu keeni karo hurdo argagax leh oo uu bahallo aad ku riyooto.

Dr. Neil Stanley oo ah madaxii hore ee Jamciyadda hurdada Ingiriiska oo wareysi gaar ah siiyay jariidada “The Independent“ayaa sheegay in darajada heerkulka qolka la seexdo uu caadi ahaan dhaxeeyo 16 ilaa 180C, xilliga hurdada. Halka qolka aadka u kulul uu keeni karo dhibaatooyin dhanka hurdada ah, arrintaas oo inta badan dhalisa inuu qofku ku riyoodo riyo argagax leh iyo bahallo eryanaya.

Stanley wax uu caddeeyay: “Si aan hurdo wanaagsan u helno, waxaa inagu habboon inaan baarno heerkulka jirkeenna, taas oo loo baahan yahay iney heerkulku gaarto 370C sida caadiga ah. waxaan lumin karnaa hal-darajo dhanka madaxa iyo wejiga. Marka aad qol kulul seexato jirkaagu ma lumin karo heerkulkii loo baahnaa.”

Dr Stanley waxa uu tilmaamay in la seexdo qol heerkulkiisu munaasab yahay, looga dhowrsado khuurada iyo dhibaatooyin ka kale ee dhanka hurdada ah.

Dr. Neil waxa uu ku talinayaa in laga fogaado cuntada xilliga dambe ee habeenkii ah la cunayo, waxaa suuraggal ah ayuu yiri; in heerkulka jirka ee gudaha ay kordhiso. Habka ugu wanaagsan waxa uu yahay, ayuu yiri; in qolka lagu ilaaliyo heerkulka ku habboon ee qabow xigeenka ah.

Tallooyin kuwan la mid ah ayaa waxaa xagaagii dhawaa soo saaray golaha Hurdada ee UK, waxay yiraahdeen: “Ilaali heerkulka dhexdhexaadka ah ee qolka hurdada, marka uu kulaylku badan yahay ama qobowgu daran yahay, si wanaagsan uma hurdi kartid.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close