CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

5 Waxyaabood ee Ugu Muhiimsanaa Baaritaannada Cilmiga ee Faa’iidooyinka Basasha

Aadanuhu waxa uu basasha isticmaalkeeda yaqaannay kumanaan sanno ka hor, waxaa lagu sheegay buugaagta ilbaxnimadii hore ee Masar. Cilmi-baarayaashu waxay si isdabajoog ah u wadaan baaritaanno kala duwan oo waxtarkeeda lagu ogaanayo, qaarkood waxay kugu noqoneysaa lama filaan.

Waxyaabaha ugu mihiisan ee basasha laga ogaaday waxaa ka mid ah:

  1. Waxay sun ku tahay xayawaanka dad joogta ah

Bani’aadamku basasha raashin ahaan wuu u cuni karaa, laakiin waxay sun ku noqotaa xayawaanka dad-joogta ah ee guryaha ku nool, eyga oo kale; waxay ku riddaa cudur aanuu weligii ka bogsan, halka bisaduhu ay raadkeeda u dhintaan, sababtana waa basasha oo weerarta unugyada dhiigga-cas, arrintaas oo dhiig la’aan ku ridaysa xayawaanka.

  1. Waxay ka hortag u tahay Kansarka

Khubaro ka tirsan Jaamacadda Kumamoto ee dalka Japan ayaa baaritaanno ay sameeyeen ku ogaaday in basashu u wanaagsan tahay la dagaallanka cudurrada Kansarka, waxaa ku jira oo laga helaa maadada “Onionin A“, taas oo diidda iney koraan oo tarmaan unugyada Kansarka, waa maaddo wanaagsan oo lagaga hortago kansarka caloosha, ugxanta iyo naasaha.

  1. Saameynta ay maskaxda ku leedahay

Khubaro Faransiis ah ayaa ogaaday in basashu ay dib u cosbooneysiin ku sameyso unugyada maskaxda, lakabyada Sulfur-ta ay leedahay ayaa gaara qaybaha kala duwan ee jirka oo ay maskaxdu ka mid tahay, Waxay nadiifisaa halka ay iska galaan dareemayaasha  unugyada dareensiydayaasha ah.

  1. Indhaha dadka qaar uma roona

Waxaan ognahay oohinta qofka ka tiraamaadda marka uu basal jarjaro ay u roon tahay indhaha oo ay safayso, laakiin marka qofku uu qabo indha qalleyl, gaar ahaan dadka indhagashiga xirta, waxay u keentaa caabuq.

  1. Waxay soo jiidataa bakteeriyada

Basasha marka qolofka sare laga dhilo ma raagto, xitaa haddii qaboojiye la geliyo. Khubaro baaritaan ku sameeyay ayaa ogaaday in basashu ay sumow iyo cudurro badan u keento dadka, Maxaa yeelay; marka qolofka sare laga dhilay waxay sidii birqabatada oo kale u soo jiidataa bakteeriyada, raashinna laguma daarsan karo maalinta xigta, haddii qayb ka mid ah la dhigto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close