WararkaWaxbarashada

Masawirka Nin Ordaya oo Holac Ka Dul Shidan Yahay oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Sawirka Saxifiga Caalamiga ah ee 2018

Sawirka cajiib ah oo laga qaaday nin ordayda oo holac dushiisa ka baxayo xilli uu ka qayb ahaa dibadbaxyo cabasho ah oo ay dhigayeen mucaaradka Venezuela, ayaa ku guuleystay masawirka saxafiga Adduunka ee 2018.

Ronaldo Schemidt oo ah sawiraagii masawirka qaaday ayaa helay abaalmarinta qaybteeda koowaad oo ah lacag qiimaheedu dhan yahay $10,000(Toban kun oo dolar), sawirka ayaa cinwaankiisu yahay “Dhibaatooyinka Venezuela“, abaalmarinta ayaa la guddoonsiiyay Khamiistii xaflad ka dhacday gudaha Amsterdam.

Saxafigan ayaa u shaqeeya Wakaaladda Wararka Faransiiska ee France-Presse, xanuntiisa waa Mexico, sawirka waxaa laga qaaday Jose Victor Salazar Balza oo 28-jir ah oo ka qayb ahaa dibadbaxyo rabshado watay oo lagaga soo horjeedo madaxweyne Nicolás Maduro, May 2017.

Jose waxa uu dabku ka qabsaday kaalin shidaal oo mootooyinku naaftada ka qaataan oo uu dab qabsaday, dhawaacii soo gaaray wuu ka badbaaday, laakiin waxaa soo gaarey gubashooyin iskugu jira heerka koowaad iyo Labaad.

Maandeeq FM

Related Articles

Close