WararkaWaxbarashada

W.Waxbarasahda XFS oo Ku Dhawaaqday Xilliga La Qabanayo & Tirada Ardayda Ka Qaybgaleysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Sanad Dugsiyeedka 2017/2018

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare Dr Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo Khamiistii shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay waqtiga la qabaneyo imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2017/2018.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee SONNA, Wasiirka Waxbarashada waxa uu sheegay in imtixaanka sanadkan ay ka qaybgalayaan 27-kun oo Arday, isagoona tilmaamay in imtixaanka uu ka qabsoomayo dhammaan dowlad-goboleedyada kala duwan iyo gobolka Benaadir.

Wasiir Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay iney imtixaanka shahaadiga ah ay qaban doonaan May 12, 2018. Waxaa uu hoosta ka xariiqay in kharashaadka ku baxaya dhammaan ay bixin doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, May 12, 2018, waa isla waqtigii lagu dhawaaqay in Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland la qabandoono, iyadoo Wasaaradda Waxbarasha XFS ay u muuqato iney go’aanka la qaadatay Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo April 1, ku dhawaaqday in May 12 uu noqon doono xilliga Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2017/2018.

Ugu dambeyn, Waxaan la ogeyn sida ay Wasaaradda Waxbarashada XFS uga dhabayn doonto go’aanka ah iney bixineyso kharashaadka imtixaanka oo aan wax culeys ah la saari doonin qoysaska Soomaaliyeed ee caruurtooda mudada dheer la soo daalaadhacayay iyo iney xaaladdu noqon doonto ‘Qowda maqashii waxna ha u qaban.’

Maandeeq FM

Related Articles

Close