WacyigelinWararkaWaxbarashada

7 Calaamadood oo Ku Tusuniya In Saaxiibkaaga Shaqada Uu Ku Neceb Yahay

 

Waxaa kuu suuraggal ah inaad ka fogaato dadka ku neceb noloshaada gaarka ah, laakiin in shaqada dhankeeda lagaa naco ayaa ah mushkiladda ugu weyn ee aad waajihi karto noloshaada.

Wargeyska caanka ah ee Business Insider ayaa warbixin ka sameeyay calaamado ilaa 22 ah oo lagu garto qofka shaqada dhankeeda ku neceb, waxaan idiinka soo xulnay 7 calaamadood oo aan u aragnay iney yihiin kuwo muhiim ah. iyadoo qofkii raba inuu sii kororsado Likiga halka ugu hoosaysa uu kasii kororsan karo.

7 Calaamadood ee lagu Garto Saaxiibada ku neceb ee Dhanka Shaqada:

  1. Farxad kuma arkaysid wejigiisa inta uu ku ag-joogo

Haddii aad aragto in qof saaxiibkaa ah uu ka baaqsanayo inuu qoslo marka aad ag-joogto, waxaad xaqiiqsataa inuu khalad jiro, arrintaasi kuma jirto xilliyada qofka uu waajahayo maalin xun ee waxaan ka hadlaynaa waa maalmaha caadiga ah.

  1. Xiriirka aragga

Lynn Taylor oo ah khabiir goobaha shaqada ku takhasusay ayaa yiri; waxaa kugu adag inaad eegto indha qofka aadan ixtirmaa u hayn. Marka aad aragto in saaxiibka aanuu indhaha kuu dhameystiri karin, waa tilmaan cad inuu ku neceb yahay.

  1. Kuurid joogto ah

Marka aad qofka si joogto ah u kuurto, waa astaan cad oo muujineysa cadawtooyo iyo nacayb, warbixin lagu daabacay shabakadda CNN ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in indhaha uu kugu soo gubo si joogtada ah ay tahay caalamad ku tusuneysa in qofkaasi ku neceb yahay.

  1. Warar been ah ayuu kaa tabiyanayaa

In warar been ah la iska sheego waa dhaqamada ugu liita ee asxaabta shaqda qaarkood ku kacaan, sidaa darteed, haddii qofi ku neceb yahay inuu warar been ah kaa faafiyo waa shay iska caadi ah.

  1. Luqadda jirkiisa

Luqadda jirkiisa si xun ayuu u adeegsanayaa marka uu kula mucaamilayo, ha noqoto eegitaanka iyo tilmaamaha si aan munaasab ahayn ayuu u isticmaalayaa tilmaamihiisa, marka aad joogto indhaha kuuma dhameystiri karo, luqadda jirka uu bixinayo waa calaamad lagu garto dareenka asxaabta.

  1. Xaaladaada qoyska

Haddii aad aragto in saaxiibkaaga shaqada aanuu wax ka inaad soo hadal qaaddo xaaladaada qoyska, xaaladda qoyskaagana aanuu waxba kaa waydiineyn, waa astaan weyn oo ku tusuneysa inuu ku neceb yahay. Waxaad arkaysaa inuu mararka qaar sugayo inta aad nasashada kooban ee shaqada ka soo noqoneyso si uu isna u baxo uu kuu waydaarto.

  1. Shaqo ka tagis

Haddii aad aragto inuu kuu soo dirayo shaqooyin ka bannaan shirkado kale ama aad aragto inuu ku tusayo xiriirro ay shirkado kale leeyihiin, uuna kuu sheego in shaqo kale oo ka farxad badan aad meel kale ka heli karto, arrimahaas oo dhan waa calaamado ku tusunaya inuu ku neceb yahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close