arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Bill Gates & Angelina Jolie oo Hagaaminaya Liiska Dadka Loogu Ixtiraamka Badan Adduunka

 

liiskan waxaa hoggaaminaya gabdhaha jilaaga reer Mareykan Angelina Jolie iyo Ganacsadaha caanka ah ee ah ee ah ninka Labaad ee ugu taajirsan adduunka Bill Gates oo dhanka ragga hogaaminaya.

Sida ay qortay Jariidada “Daily Mail“, Daraasad ay sameysay shirkadda “YouGov”, ayaa lagu soo bandhigay Labo shax oo kala ah ragga iyo dumarka lala dhacsan yahay  ee ugu ixtiraamka badan adduunka.

Liiskan waxa uu ka kooban yahay labo shax oo min 20 ah, waxaa soo xulay 37 kun oo qof oo 35 dowladood oo adduunka ah ka kala codeeyay.

Kaalinta labaad ee liiska dhanka ragga waxaa ku jira madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, kadib waxaa ku xiga jilaaga caanka ah ee Jakie Chan, waxaa kusii xiga madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, kadib ganacsadaha Chinese-ka ah ee la yiraahdo Jack Ma.

Dhanka dumarka, waxaa kaalinta labaad ku jirta Michelle Obama marwada Obama, waxaa kaalinta Saddexaad soo gashay weriyaha iyo jilaaga caanka ah ee Oprah Winfrey, halka ay kaalinta Afaraad gashay boqoradda Ingiriiska ee Queen Elizabeth ll.

Maandeeq FM

Related Articles

Close