JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Buug Isbarbardhig Ku Sameynaya Madaxweyne Trump & Maafiyada oo Dhawaan Suuqyada Soo Galaya

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weli sii wada dagaalka afka ah ee uu kaga hortagayo buugga maamulihii hore ee FBI, James Comey oo lagu wado inuu dhawaan suuqayada caalamka soo galo.

Trump ayaa Comey ku eedeeyay inuu yahay “Beenaale, macluumaad sir ah u gudbiyay warbaahinta” khilaafkii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay Clinton.

Farriin uu bartiisa Twitterka soo dhigay ayuu ku yiri: “James Comey waa beenaale, macluumaad sir ah faafiyay, qof kasta oo Washington joogaa waxa uu qabay iney lagama maarmaan tahay in la eryo, shaqa xumadiisa darteed”, waxa uu tilmaamey in congress-ka uu been u sheegay isagoo dhaartay “Shakhsiyaddiisa daciifka ah iyo beenaale nimadiisa.”

Eedaymaha cusub ee Trump ayaa ku soo beegmaya diyaargrowga uu Comey isku diyaarinayo inuu soo saaro buug uu isbarbardhig ku sameynayo maafiyada iyo Trump, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Associated Press.

Comey ayaa kooxda ku hareeraysan Trump ku tilmaamay “Dadka naftooda un ka fakaraya oo Hal-qof u indha xiran.”

James ayaa xilka FBI laga qaaday May 2017, iyadoo Aqalka Cad uu ku tilmaamay inuu joogo beenaale sawir aan wanaagsaneyn ka bixiyay muuqaalka Madaxtinimada Mareykanka, isagoo madaxweynaha ku tilmaamay qof aan khiyaano ka marneyn, si ka baxsan dhaqankii madaxweynayaashii hore ee Mareykankana lagu arkay.

Aqalka Cad ayaa dhowr jeer ku soo celceliyay in Trump uu Comey xilka uga qaaday “Sida khladan ee uu u adeegsaday” faylka murashaxii xisbiga dimuqraadiga ee Hillary Clinton.

Laakiin siyaasiin Mareykan ah ayaa aaminsan in Comey xilka looga qaaday, baarintaannadii uu gacanta ku hayay ee faragelinta Ruushka ee natiijada doorashooyinka madaxtooyada Mareykanka ee uu ku guuleystay Trump.

Comey ayaa hadal jeedin uu ka sameeyay golaha Senate-ka Mareykanka bishii Juun ee kal hore ku sheegay: “Inaanuu wax shaki ah ka qabin in Ruushku ay soo farageliyeen natiijada doorashooyinka”, laakiin “uu ku klasoon yahay inaan arrintaasi ahayn middii lagu kala adkaaday ee natiijada doorashada.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close