WararkaWaxbarashada

Iskuul Macallimiintiisa u Qaybiyay Hub Lala Yaabay oo Ay Iskaga Difaacayaan Weerarrada Hubysan

Dhacdo layaab badan, iskuul Mareykan ah oo macallimiintiisa u qabaybiyay burar garruumo ah, si ay uga hortagaan weerarada hubaysan ee iskuulaadka dalkaa ku soo badanaya!.

Sida ay sheegtay shabakadda CNN, Iskuul ka tirsan deegaanka Millcreek ee gobolka Pennsylvania, ayaa go’aansaday inuu macallimiintiisa ku hubeeyo 600 oo Garruun oo nooca Baseball-ka ah, si ay iskaga caabiyaan qofka kasta oo hubaysan oo weerar ku soo qaada iskuulka.

Iskuulka ayaa go’aankan qaatay kadib dhacdadaii dugsiga sare ee Florida ee ay 17 qof ku naf waayeen.

Maamulaha guud ee Iskuulka William Hall ayaa muuqaal uu internet-ka soo geliyay ku sharraxay sida macallimiintu u isticmaali doonaan Garruunka “Baseball”  ee loo qeybiyay, laga doonayo iney ku difaacaan qof hubka wata!, waxa uu sheegay in hubkan lagu kaydin doono meel ka tirsan fasalka waxbarashada, waxaana la isticmaali doonaan, ayuu yiri; markii ay lagama maarmaanka noqoto.

Garruunkan ayaa dhiririkiisu gaarayaa 40cm, waxana uu u egyahay sidii hadiyad xasuus ah oo kale, ciyaaraha Baseball ka ayaa loogu talagalay, kharash ahaanna waxa lagu iibiyaa $800 oo dolar.

Waxayse xaaladdu u muuqataa in macallimiinta oo loo  qeybiyo burarka Baseball aaney ahayn go’aankii ugu wanaagsanaa. Waxaa is aad ah loogu dhaleeceeyay dhanka Baraha-bulshada oo looga jeesjeesay.

Qof ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray, “Macallimiintii garruumaha yaryar waxay u isticaali doonaan sidii seefo oo kale, si ay rasaasta ugu difaacaan xilliga weerarka.”

Halka qof bartiisa Twitter-ka ka soo aragti dhiibtay uu maamulaha iskuulka William Hall ku tilmaamay inuu yahay:”Qofka ugu doqonsan adduunka.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close