WararkaWarbixinnoWaxbarashada

Maxaad Kala Socotaa Taariikhda & Waxqabadka Akademiyada Soomaaliya ee Cilmiga, Fanka iyo Suugaanka

Dhaqan walba oo dunida ah waxa uu leeyahay dhaqan dhowrayaal u taagan ilaalinta jiritaankiisa, iyadoo laga dhowrayo in uu doorsoomo ama uu minguuro.

Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta dhaqanka waxay u guntatay dhowrista dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana la aasaasay sanadkii 1975-kii, waxaa fikirkeeda lahaa guddigii hirgelinta Afka Soomaaliga.

Sanadkii 1979-kii waxaa la ballaariyay magacii Akademiyadda oo xilligaa la oranjiray akademiyada “Dhaqanka”, waxaana loo bixiyey Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, saldhig ay ku shaqeysana waxaa looga dhigay meesha ay hadda ku taallo.

Hadaba, warbixin uu diyaariyay wariyaheenna Maxamed Ciise Koonaa oo qeyb ka ah Goobjoog Media Group[Maandeeq FM ay ka mid tahay] ayaa waxa uu ku eegay taariikhda Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta:

Ugu horreyn, Shaqooyinka ay qabato Akademiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta ayuu hordhigay Cabduqaadir Nuur Xuseen Maax oo ah guddoomiyaha Akadeemiyadda Cilmiga,Fanka iyo Suugaanka, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay:

“Waxay qabtaa dhowrista hiddaha iyo dhaqanka ay ummaddaani leedahay, waxwalba oo ummadda dhaqan u ah Akademiyada mas’uul ayay ka tahay, wax yaabaha kale ee Akadeemiyada ay mas’uul ka tahay waxaa ka mid ah waxyaabaha la yiraahdo dagal- baarka ama  Archaeology-ga oo ah taariikhda dhulka ku duugan ama raadad hore inta meel laga helo in la qodo loo baahdo, akademiyadu iyadaa diiwaangelinysa waxa meesha laga helay. Waxyaabaha kale ee akademiyadu ka shaqeyso waxaa ka mid ah, in lagu xalliyo khilaafaadka habkii soo jireenka dhaqanka.”

Maax waxa uu noo sheegay iney joojiyeen dib u dactir lagu sameyn lahaa masaaji taariikhi ah oo 800-sano dhisnaa, waxa uu tilmaamay iney la qumanaan weyday in taariikhdaa facaweyn la aaso:

“Ummad taariikhdeedu haddii ay lunto iyaduna way lumaysaa, magaalada Muqdisho haddii meelaha taariikhiga ah laga baabi’iyo oo dib loo cusbooneysiiyo oo wax hadda ah laga dhigo, macnaheeda magaalo xalay dhalatay bay noqoneysaa, laakiin magaalada taariikhdeeda haddii loo daayo cid waliba oo aduunka ka tirmaadda way garaneysaa magaalo qadiimi ah iney tahay oo dhowr kun oo sano jirtay, waxyaabaha loo ilaaliyo goobaha taariikhiga waxaa ka mid ah magaalada ay ku tallo iney ku faanto, ummadda iska lehna la ogaado jiritaankeeda. Masaajidkaa Shangaanni waan u tagnay waxaan ku niri goobta waa goob taariikheed, way noogu jirta diiwaanka illaa 800 oo sano ayuu dhisnaa, waxaan idinka codsaneynaa inaad joojisaa, dadbaa doonayay lacag iska soo guray masaajidka iney dhisaan, Masaajidku wuu fiican yahay, laakiin intii goob taariikhi ah lagu dumin lahaa waxaa habboon in meel kale laga dhiso.”

Dhanka kale, In Soomaaliya ay hesho far u gaar ah waxaa ay aheyd arrin soo martay marxalado kala duwan, laga soo bilaabo 1920-kii, iyada oo xilligaas ay dadka xoogga saarayeen helitaanka far ay isku sir wareystaan si uusan gumeystaha  ula socon dhaqdhaqaaqooda.

Cabdulqaadir Maxamed Cali waa agaasimaha waaxda horumarinta Afka Soomaaliga waxaa uu ka hadlayaa helitaanka farta Soomaaliga ee hadda waxaa uuna yiri:

“Waxaa la qaatay farta Laatiinka ah oo taageerayaal badan heshay, waxaana qabtay barnaamijkaas guddigii hirgalinta Afka Soomaaliga”.

Si kastaba, Akedemiyada ayaa lagu dhiirrigaliyaa qoraaga oo buugaagta ay qoraan la tafaftirta, xarunta dhexdeedana waxaa ku yaalla maktabad lagu iibiyo buugaagta ay akademiyadu faafreebto.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close