arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waxay Yiraahdeen Abtirsiinteedu Waxay Xiriir La Leedahay “Nabi Maxamed N.N.K.H” Cidina Ma Aaney Rumeysan.. Akhriso Abtirisiinta Elizabeth ll oo Dhameystiran

 

Kadib markii warbixinno hore oo sanooyin ka hor soo baxay ay sheegeen in nasabka boqorrada Ingiriiska uu xiriir la leeyahay Nabi Maxamed N.N.K.H, awowgeedna uu ahaa Amiir Muslim ah oo ka soo haajiray Andalus, ayaa hadana markale dib loo soo cusbooneysiiyay oo la daabacay abtirsiin faahfaahsan oo ku saabsan nasabka boqoradda Queen Elizabeth ll, taas oo wax ku kordhinaysa sheeko ay adag tahay in la rumaysto.

Jariidada “The Daily Mail” ee ka soo baxda gudaha UK ayaa Jimcihii shalay daabacday design Infographic ah oo laga sameeyay silsiladda abtirsiinta Elizabeth II, oo la gaarsiiyay ilaa qoyska Nabi Maxamed N.N.K.H.

Joornaalka kale ee The Economist ayaa tilmaamay canaawiin dhawaan la isla dhexmarayay oo qaarkood ay leeyihiin: “Waxaa lagama maarmaan ah in Elizabeth II ay codsato xaqeeda ah iney xukunto Muslimiinta!.”

Sanadkii 2015, ayaa muftigii hore ee Masar Cali Jumcah uu dood badan ka dhaliyay dunida Muslimka kadib markii uu tilmaamay in Boqoradda Ingiriisku ay asal ahaan ka soo jeeddo qoyska Nabi Maxamed N.N.K.H.

Si kastaba,  Falcelinta arrintan laga sameeyay  ayaa dadka qaar ay ka digeen in arrintani loo dhaga nuglaado maadaama ay noqon karto shirqool khiyaano ah oo la doonayo in dib loogu yegleelo awooddii boqortooyada Ingiriiska iyadoo la adeegsanayo Muslimiinta. Waxaana la arkay in abtirisiintan markeedii hore uu faafiyay Janalaka BBC Arabic oo soo bandhigay abtisiinta boqoradda Queen Elizabeth ll.

Maandeeq FM

Related Articles

Close