TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

7 Macluumaad oo Ku Saabsan “Pavel Durov” Aasaasaha Telegram.. Waxaa Lagu Naaneysaa “Zuckerberg” Ruushka

Aragtida adduunka ayaa waxay ku sii jeeddaa Barta-bulshada ee Telegram-ka loo yaqaanno, kadib markii maxkamad Ruush-ka ku taallaa ay xukuntay iney adeegga gebi ahaanba laga xayiray gudaha Ruush, iyadoo arrintaa sabab uga dhigtay diidmo isdabajoog ah oo milkiilayaasha adeegga ay diideen in waaxaha ammaanka Ruushka ay siiyaan macluumaad ku saabsan xogta dadka isticmaala.

Aasaasaha adeeggan oo la yiraahdo Pavel Durov, ayaa lagu naaneysaa ‘Zuckerberg Ruushka’. xukunka maxkamadda ayaa lagaga falceliyo qoraallo “Xogta dadku iib maaha.”, “Xogta dadka adeegsada kama iibineyno xayaysiin.”

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa macluumaad gaar ah oo ku saabsan Pavel Durov:

  1. Telegram maaha bartii koowaad ee uu horumariyo, horey ayuu u sameeyay barta “Vkontakte” sanadkii 2006, taas oo la ogyahay iney la tartameyso shabakadda Facebook.
  2. Kadib markii uu diiday inuu xukuumadda Ruushka u gudbiyo xogta Telegram, gaar ahaan xogta dadka isticmaala 2014, wuu ka soo cararay dalkiisa, isagoo ka dhowrsanaya mushkilad kasta oo soo waajihi karta.
  3. Waxa uu xarun ka dhigta Dubai oo uu xafiis ka furtay goobta ganacsiga xorta ah, wargeyska Bloomberg ayuu sheegay inuu magaladaa aad ula dhacsan yahay.
  4. Dhowr jeer oo hore oo uu saxaafadda la hadlay ayuu sheegay inaanuu qorsheenayn inuu dib ugu laabto Ruushak iyo in bartiisu ay guulo waaweyn gaartay kadib markii uu ka soo baxsaday.
  5. Telegram waxay wada aasaaseen walaalkii isagoo hantidiisa gaarka ah ku maalgeliyay, waxa uu diiday lacagta xayaysiinta si uu u ilaaliyo xogta dadka isticmaala barta.
  6. Waxa uu diiday inuu iibiyo “Telegram” iyadoo ay jirto inuu helay codsiyo farabadan oo uu ka helay shirkado waaweyn, waxa uu sheegay iney u soo bandhigeen 5 billion oo dolar si ay uga iibsadaan.
  7. Sanadkii hore waxa uu fadeexeeyay Mareykanka qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, waxa uu yiri, wakaaladda Sirdoonka Mareykanka waxay isku dayday iney goldalool ka hesho barta, waxayna isku dayeen, ayuu yiri, iney Engeneeradeenna laaluushaan.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close