WararkaWaxbarashada

Gagarin: Cirbixiyeenkii Ugu Horreeyay Adduunka

Yuri Alekseyevich Gagarin waa cirbixiyeenkii ugu horreeyay ee ay u suuraggasho inuu ku duulo outer Space-ka hawada sare, dhulkana uu ku soo wareego. Safarkaa waxa uu galay April 12, 1961, waxaa uu saarnaa dayax-gameed Soviet-ka ee Vostok 1, safarkiisuna waxa uu qaatay muddo 108-daqiiqo ah.

Gagarin waxa uu dhashay Maarso 9, 1934, waxa uuna geeriyooday Maarso 27, 1968. Mar kaliya ayuuna hawada sare u safray.

Gagarin, waxa uu helay abaalmarinno iyo bilad sharafeedyo aad u tiro badan, waxaa ka mid ah bilad-geesiga midawgii Soviet oo ahayd biladda ugu sarreysa ee uu midwogii Soviet uu bixiyo.

Waxa uu noqday maamule ku xigeenka mac’hadka tababarka cirbixiyeennada oo ku yaallay meel ka baxsan Moscow, mac’hadkaas oo markii dambe isaga loogu magac daray.

Waxa uu geeriyooday sanadkii 1968, kadib markii ay burburtay diyaarad tababar oo nooceedu yahay MiG-15 oo uu gacantiisa ku waday.

Ururuka Midwoga cirbixiyeennada Adduunka ayaa waxay bixiyaan abaalmarin lagu maamuusayo oo loogu magacdaray lana yiraahdo Yuri A, waana abaalmarinta Gagarin ee dahabiga ah.

Markan waxa uu la sawiran yahay gabadhii ugu horeysay adduunka ee ciribixyeen noqota “Valentina Tereshkova”
taaladda Gagarin ee Moscow
Gaarigiisii gaarka ahaa

Maandeeq FM

Related Articles

Close