WararkaWaxbarashada

Koonfur Afrika oo Aas Qaran u Sameysay “Hooyadii Ummadda”.. Mid Ka Mid ah Astaamihii La Dagaallanka Midab Kala Sooca

Malaayiin qof ayaa iskugu soo baxay dalka Koonfur Afrika si ay u sagootiyaan mid ka mid ah astaamihii la-dagaallanka midab kala sooca, “Winnie Madikizel-Madela“, oo loo sameeyay aas Qaran oo shucuur xambaarsan Sabtidii shalay loogu sameeyay magaalada Soweto oo ay ku nooleyd ilaa ay ka geeriyooto April 2, 2018. iyadoo da’deedu sii caga-cageynayso 81-sano.

Kumaan dad ah ayaa bararoordiiq iskugu soo baxay stadium qaadkiisu dhan yahay 40-kun oo qof, si shakhsiyadda adkaysiga badneyn; ahaydna geesi Qaran si wanaagsan loogu maamuuso, kadib markii dood dheer laga galay la iskuna raacayay habka maydkeeda loo maamuusayo.

Winnie Madikizel-Madela ayaa waxaa lagu naaneysi jiray ‘Hooyadii Ummadda‘ iyo ‘Mama Winnie‘, waxay ilaalisay halgankii lagaga soo horjeeday midab kala sooca Koonfur Afrika, intii uu xirnaa Nelson Mandela qofkii halgan dibadda ka sii wadayna ay ahayd.

Dhammaan daafaha kala duwan ee adduunka ayaa looga baroordiiqay. Jesse Jackson oo ah haggaamiyaha dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuda rayidka oo la hadlay Waakaladda Wararka ee Associated Press ayaa yiri: “Waligeed kama aaney joogsan iney dadka u shaqeyso, geesinimadeedana ma aaney ka tanaasulin.”

In badan oo ka mid ah dadkii aaska ka qaybgalay ayaa isku waafaqay iney Winnie ahayd awood siyaasadeed, waxwalba oo macnaha oo eraygaasi uu xambaarsan yahayna ay kulansantay.

https://twitter.com/News_worldwide/status/985178526423879680

Maandeeq FM

Related Articles

Close