WararkaWaxbarashada

Ururka “WMO” oo Laalay Magacyada 4 Duufaan oo Baaba’ Badan Geystay

Ururka caalamiga ah ee saadaalinta hawada ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaanno (WMO), ayaa ku dhawaaqay inuu laalay magacayada 4 duufaan baaba’ badan geysta lagana saaray liiska kuwa soo noqnoqda, kadib markii la qiimeeyay dhibaatada iyo burburka weyn ee ay sababeen sanadkii 2017.

Magacyadana duufaannadan dib dambe looma isticmaalayo: Harvey, Irma, Maria, Nate, waxaa lagu bedelay magacyada: Harold, Idalia, Margot, & Nigel.

Ururkana ayaa lixdii sanaba mar kala bedela magacyada duufaannada hadba sida ay xilliga ugu kala habboon yihiin, marka duufaanku uu dhibaato xoog leh gaysto magaciisa waa la laalaa si aan markale dib loogu isticmaalin, dhacdadaas kaligeedna loogu xasuusto.

Magacyada cusub ayaase qorshuhu yahay in la isticmaalo marka la gaaro 2023.

Ururka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay: “Xilli duufaaneedka badweynta Atlantic ee sanadka 2017, waxa uu ahaa mid burburin badan. Khasaaraha maaliyadeed ee uu gaystay waxay kor usii dhaafeen 250 billion oo dolar, gudaha dalka Mareykanka oo kaliya, waxaa ku dhintay boqolaal qof, nolosha malaayiin qof ayay saameyn ku yeelatay, dib u kabashada Jasiiradaha Caribbean-ka ah ee ay duufaannadu ku dhufteen waxay qaadaneysaa sanooyin badan.”

Sanadkii lasoo dhaafay, waxaa la-diiwaangeliyay 3 dhulgariir oo nooca darajada 4-aad ah gudaha dalka Mareykanka, waana markii ugu horreysay ee sanad kaliya ay ku kulmaan duufaannadaa baaba’a badan gaystay.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close