WararkaWaxbarashada

Waa Maxay Sababta Uu Arageennu u Awood Badan Yahay Labada Cir-guduud?

 

Khubarada Neuroscientists Jaamacadda Frankfurt, ayaa daahrogay in maskaxda aadanahu ay u diyaar garowdo labada cir-guduud ee subixii iyo habeenkii, waxay cusbooneysiisaa shaqada xuubka sare ee indhaha, si ay ugu suuraggasho iney wanaajiyo farriimaha daciifka ah ee aragga hoos u dhiga, si aragga guud uu u wanaagsanaado.

Khubaradan ayaa arkay in dadkii daraasadda ka qaybgalay ay si wanaagsan araggoodu u fiicnaa xilliga hore ee subixii iyo gabaldhaca habeenkii.

Daraasadda ayaa tilmaantay in araggeennu uu si wanaagsan ula qabsado iftiinka kala duwan ee xilliga maalintii.

Dr Christian Kell oo daraasaddan ka qayb ahaa kana tirsan xarunta Brain  Imaging Center ee Jaamacadda Goethe, ayaa sheegayi: “Waxaa dhici karta in darawalnimadu fiican tahay labada cir-guduud ee subixii iyo habeenkii, maxaa yeelay; maskaxdu waxay leedahay aalad kolba bedbedesha argtida iftiinka, taasina waa waxa aadanihii hore ka garabsiiyay inuu noolaado oo uu dareemo khatar xawaanada dad cunka ah ee ku soo waajahan.”

Daraasaddan ayaa tilmaameysa in maskaxda ay sidoo kale cusbooneysiiso maqalka, taas oo ka dhigan in labada cir-guduud ay dadku sida ugu wanaagsan wax u maqlaan.

Si kastaba, daraasaddan ayaa marka lasoo koobo waxa ay tilmaameysaa in maqalka iyo aragga labadaba ay ugu fiican yihiin labada cir-guduud ee subixii iyo habeenkii oo sida ugu wanaagsan wax loo arko, sida ugu wanaagsanna wax loo maqlo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close