WararkaWaxbarashada

1% Ka Mid ah Dadka Adduunka oo Xakameeya Saddex Meelood Labo Meel Hantida Caalamka 2030

Golaha Aqalka Sare ee Britain (House of Commons of the United Kingdom)ayaa soo saaray warbixin ay uga digayaan in hantidii adduunku ay gacanta u sii galayso tiro dad kooban oo maalqabeen ah, arrintaasina waxay keeni doontaa cara ballaaran, ayay yiraahdeen, waa haddii aan la sameyn tallaabooyin dheellitiranka dib loogu soo celinayo.

Sida warbixinta lagu sheegay, khatarta soo waajahan ayaa ah in 1% dadka adduunka ay gacanta u galayso 65% hantida dunida marka la gaaro 2030.

Cilmi-baaris la sameeyay ayaa lagu tilmaamay kaalinta ay leedahay siyaasadaha dhaqaalaha, kadib dhibaatadii dhaqaale ee 2008 waxay sii ballaartay gaabkii u dhaxeeyay dadka taajiriinta ah iyo dadka intooda kale. Hantida tiro yar oo maalqabeenno ah ayaa koboceedu uu gaarayaa saami dhan 6% sanadkii, waa in ku dhow saamiga koboca hantida 99% dadka adduunka ku nool.

Haddii xaaladdu ay sidan ku sii socoto, hantida dadka maalqabeenka adduunka waxay ka gudbeysaa 305 Trillion oo dolar, waqti aan fogeyn.

 Liam Byrne oo hoggaaminayay cilmi-baarista, horeyna wasiir uga soo noqday UK, ayaa sheegay in waaqiga hadda lagu jiro ee qaybsiga hantida uu yahay mid aan habooneyn, waxa uu ka digayaa dhibaatooyin bani’aadamnimo oo aan horey loo arkin iney soo waajahan yihiin, tusaale ahaan; saxillooni darro, mususqmaasuqa iyo faqri.

Maandeeq FM

Related Articles

Close