WararkaWaxbarashada

“Maaha Kuwo Lagu Ag Caajisayo”.. Daraasad: Shaqaalaha Waayeelka ah oo Raba Iney Dunidu isbedesho

Xogo cusub oo la uruuriyay oo uu helay wargeyska “Business Insider” ayaa lagu ogaaday in shaqaalaha da’doodu u dhaxayso 55 ilaa 64 jirka ay doonayaan iney adduunka isbedel wanaagsan ka dhaliyaan si ka badan shaqaalaha kale ee ka da’da yar, xog ay uruurisay barta platform-ka ee “Culture Amp”.

Warbixin uu qoray wargeyska Business Insider, ayaa lagu sheegay in shaqaalaha da’doodu wayn tahay aaney ahayn shaqaale lagu ag caajisayo sidii horey looga aaminsanaa.

Culture Amp ayaa ah platform ay isticmaalaan labada website ee kala ah, Airbnb iyo Lyft iyo tiro shirkado teknoolajiyadda ka shaqeeya kuwooda ugu caansan, waa platform ay shaqaalahu u soo gudbiyaan dhaliilaha ay u hayaan maamulayaasha iyo deegaanka ay ku shaqeeyaan.

Shirkaddan oo ah mid soo koraysa ayaa waxay heshay 36.3 milyan oo dolar oo ah raasamaal maalgashi ah laga soo bilaabo xilligii la aasaasay ee 2011.

Didier Elzinga oo ah maamulaha Culture Amp, ayaa Business Insider u sheegay: “Inuu doonayo haddii ay suuraggal tahay inuu meesha ka saaro arrimo ay jiilka Labada Kun iska dhaadhiciyeen, gaar ahaan fikradda oraneysa shaqaalaha da’da yar ayaa ka yool fiican dadka ka da’da weyn.”

Elizing waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaa lama filaan igu noqotay, inaan aragnay dhalinyarada kaligood inaaney ahayn dadka doonaya iney isbedel ku sameeyaan adduunka, laakiin dadka da’da weyna way doonayaan arrintaas.”

Ra’yi uruurinta ay sameysay “Culture Amp”, waxaa xog laga uruuriyay 500 oo kun oo shaqaale ah oo ka howlgala 750 shirkadood, shaqaalaha waxaa la weydiinayay “Waxyaabaha soo jiita” ama ugu muhiimsan waxyaabaha ku saabsan dhanka shaqada.

Shirkadaha ugu badan ee ay daraasadani saameysay waxay ku yaallaan Mareykanka Australia iyo Yurub.

Shaqaalahu waxay isku raacsaneeyeen dhammaan da’aadda kala duwan in hoggaanka shirkadda iyo awoodda uu u leeyihiin inuu shaqaalahiisa horumariyo ay muhiim tahay. Sidoo kale shirkaddu waxay aragtay in shaqaalaha da’doodu u dhaxayso 55-64 jir, ay ka aragti duwanaayeen shaqaalaha kale marka la eego dhanka shaqada, waxay u janjeeraan inta badan iney ka howlgalaan shaqooyinka hadafka nolosha ah leh, bedelka mushaarka oo aan agtooda qiimo badan ka lahayn, marka loo eego hadafka wanaagsan ee shaqadu leedahay.

Si kastaba, waxaa halkaa ka soo baxday in shaqaalaha da’doodu weyn tahay ay u janjeeraan shaqooyinka isbedelka sameyn kara ee macnaha leh, halka shaqaalaha kale ay u badan yihiin iney hortabinta koowaad siiyaan mushaarka.

 

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close