CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Waa Tan Sababta Kugu Khasbaysa Inaadan Kabo Lasoo Gelin Guriga Aad Ku Nooshahay

 

Mararka qaar marka aad gurigaaga gaarto adigoo daallan maalin dhib badan oo waqti dheer ah kadib, waxaa laga yaabaa inaadan muhiimad badan siin halka aad kabahaaga ku siibayso, laakiin raadka ka ratibmaya inaadan kabahaaga siibin ayaa ka khatar badan dareenka daalka iyo caajiska aad dareemayso, guriga ayaad albaabadiisa u furaysaa malaayiin bakteeriya ah iney soo gasho.

Cilmi-baaris dhawaan la sameeyay, oo uu hoggaaminayay Dr. Charles Gerba oo ah caalim microbiologist-ka ku takhasusay, ayaa lagu ogaadan in kabuhu celcelis ahaan ay xambaarsan yihiin 421,000 units oo bakteeriyo ah oo guriga dibaddiisa ah iyo 2887 units oo gudaha guriga ah.

Dr Gerba waxa uu daahrogay bakteeriyadaa iney ka soo gudbi karto kabaha jirkana ay gaari karto, noocyada bakteeriyada waxaa ka mid ah , Escherichia coli oo keenta calool xanuunka, caabuqa kaadi-haysta iyo shubanka, waxaa ka mid ah Klebsiella, waana sabab naadir ah oo keenta caabuq ku dhaca habdhiska neefmareenka.

Dr Michael Laughlin oo ka tirsan Jaamacadda Nottingham Trent, ayaa yiri: “Waxaan la mucaamilaynaa waa bakteeriya nolol maalmeedkeenna caadiga ah, sida aan moodayo xaaladdu aad ayay uga duwan tahay, gaar ahaan marka aan guriga dibaddiisa joogno.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaa dhici karta inaan bakteeriyada ka qaadno meelihii aan cagta soo marinnay; sidaa darteed kabahaaga nadiifi.”

Jonathan Sexton oo ah madaxa shaybaarka ee Jaamacadda Arizona oo la hadlay Wall street Journal ayaa yiri: “Marka aad kaba gudaha la soo gasho, waxaad la soo galaysaa waxwalba oo xilliga maalintii aad lasoo dulmartay.”

Si kastaba, haddii kabakaagu ay yihiin kuwo si dhakhsiyo ah ku wasakhooba, waxaa habboon inaad mayris la daba taagnaato, si aaney u noqon goob ay bakteeriyadu dagto gurigana khatar ku ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close