WararkaWaxbarashada

Daahrog Lagu Ogaaday Sabab Cusub oo Buurnida Keenta!

 

Daraasad cusub oo dhawaan la sameeyay ayaa lagu daahrogay sabab cusub oo keenta buurnida oo aan horey loo ogolayn.

Daraasaddan ayaa waxaa sameeyay culumada-sayniska ee Jaamacadda Chicago ee gudaha dalka Mareykanka.

Caalimka la yiraahdo Eugene Chang oo ka mid ahaa khubaradii daraasaddan sameysay  ayaa yiri: “Inta aan daraasaddan wadnay, waxaan raacnay waddooyinkii hore wax ka duwan, waxaan xoogga saarnay xiidmaha yaryar, waxaan gudaha ku aragnay nooc cusub oo bakteeriya ah oo kaalin weyn ka ciyaareysa howlaha dheefshiidka heerka buurnida jirkana kordhisa.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan ogaannay in Bakteeriyadaasi ay ka tirsan tahay nooca  Clostridiaceae loo yaqaanno, waxay saameyn weyn ku leedahay habka uu jirku u nuugo baruurta, waxa ay soo saartaa dheecaanno baruurta burburiyaa inuu jirku si degdeg ah u nuugana suuraggal ka dhiga, si habada loo hubiyo habka ay bakteeriyadaasi u shaqeyso waxaan ku talaalnay Jiirka, waxaan aragnay inuu si muuqata uu miisaankiisu u kordhay.”

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close