UncategorizedWararkaWaxbarashada

Daraasad Daahka Ka Rogtay Sabab Lama Filaan ah oo “Cimri-degdegga” Keenta

 

Daraasad ay soo saareen culumada-sayniska Jaamacadda Surrey ee dalka Ingiriiska ayaa daaha ka rogtay in dadka waqti dambe seexda xilli dambana soo kacaa ay yihiin kuwa ugu nugul geerida degdegga ah, marka la barbardhigo asaagooda seexda xilli hore, subaxda horena soo kaca.

Website-ka “MedicalXpress” ayaa tilmaamay in culumadan-saynisku daraasaddan ay sameeyeen ay ka qaybgaleen 433-kun oo qof oo da’doodu u dhaxayso 38-73 sano, waxay u qaybiyeen 4-qaybood oo kala ah: Subaxle, Suxable dhexdhexaad ah, habeenle iyo habeenle dhexdhexaad ah, dadka ayaa isha lagu hayay muddo Lix-sano iyo bar ah.

Daraasaddan waxaa ka soo baxday in dadka xilli dambe ee habeenkii ah seexda oo astaantoodu ahayd “Shimbirka Guumaysta”, ay ahaayeen kuwa ugu geerida badan, sababata ay dhintaan haba kala duwanaatee, qaarkood waxay u dhinteen cudurrada wadnaha iyo xidida dhiigga la xiriira, in ka badna 10% qolooyinka xilli hore seexda xilli horena soo kaca oo astaantoodu ahayd “shimbirka Qoolleyda”, sidaas oo kale waxay u nugulyihiin cudurka sonkorowga iyo dhibaatooyin nafsiyan ah (psychological) iyo cudurrada neerfaha.

Sida ay khubaradani tilmaamayaan, haddii qofku xilligiisa hidde ahaan loo sugo nooca uu ka tirsan yahay, waxaa habboon inuu howlmaalmeedkiisa bedelo, xilliga uu shaqada bilaabayana uu ka fakaro, maxaa yeelay; saacadda biology-ga ee aadanaha ugu habboon waa tan xilliga hore la seexanayo xilliga horena lasoo kacayo, sidaa darteed dadka xilliga dambe habeenkii ah seexda xilliga dambana soo kacay waxay u nugulyihiin daal iyo  dhibaatooyin habdhaca nolol maalmeedkooda ah.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close