WararkaWaxbarashada

Dugsiga Qur’aanka ee Sakhaa’uddiin oo Laga Hirgeliyay Gudaha Dalka Turkiga

Munaasabad lagu daahfurayay “Dugsiga Qur’aanka ee Sakhaa’uddiin” oo Soomaalida u gaar ah ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Istanbul ee gudaha dalka Turkiga.

Xafladdan ayaa waxaa ka qaybgalay culumo-awdiin, waalidiin iyo mas’uliyiinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee SONNA, dugsigan ayaa laga hirgeliyay xaafadda Bashakshahir ee dhacda Waqooyiga Istanbul, macallimiinta dugsigan ayaa sheegay inuu muhiimad gaar ah u leeyahay bulshada Soomaaleed ee ku dhaqan gudaha dalka Turkiga.

Sheekh Maxamed oo ah guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa sheegay in furitaanka dugsigani yahay horumar weyn:

“Runtii Maanta waxaan gaarnnay horumar aad u weyn, waxaana furmay xarun aad u muhiim noogu ah taas oo ay ku baranayaan caruurta Soomaaliyeed, Muddo dheer ayaan ku soo jirnay sidii aan xaruntaan u furilaheyn.”

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close