CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Sabaha Qandhada Keena & Siyaabaha Looga Hortago

Heerkulka jirka oo kor u kaca iyo qandhadu/xumadda waa mushkilado ay dadbadani waajahaan, qandhadu waxay xiriir la leedahay cudurro badan, waxay wadataa dhidid, yalaalugo iyo daal daran oo jirku uu dareemayo.

Sida uu sheegayo website-ka “Moyoclinic.org“, sababaha qandhada keenta waxaa ka mid ah:

Sababaha Qandhada Keena

  1. Qorraxda kulaylkeeda oo muudo dheer la taagnaado, darbad ayaa dhanka qorraxda kaaga imaankarta oo qandho daran aad ka qaaddo.
  2. Qalayl uu jirku dareemayo, waa sababaha ugu badan ee keena qandhada.
  3. Noocyo kala duwan oo cudurro ah, waxaa ka mid ah; Tonsilitis, bacteria, viral infections, quun xanuunka, suuska ilkaha, caabuqa kaadi haysta iyo samboorka.
  4. Cudurrada Kansarka la xiriira.
  5. HIV aids.
  6. Qaar ka mid ah daawooyinka Antibiotic ah ee loo adeegsado dhiigkarka iyo wadno xanuunka.
  7. Tallaalka qaarkii; tusaale ahaan, tallaalka xiiqdheerta iyo tallaalka Pneumococcal-ka.

Qaar ka mid ah talooyinka ay tahay in la raaco si looga dhowrsado qandhada

  1. In gacmaha si joogto ah loo dhaqo, gaar ahaan inta aan la seexan iyo cunnada ka hor, marka aad masqusha gasho kadib, si aad iskaga ilaaliso ilmaqabatida kuu soo dhuuman karta.
  2. Ka fogow inaad taabato sanka, afka iyo labada indhood marka aadan gacmaha si wanaagsan u dhaqin.
  3. Ka fogow inaad isticmaasho alaabaha qof kale, sida; qaaddooyin, koobabka, dhalooyinka biyaha, si aad uga dhowrsato cudurrada faafa iyo jeermiska.
  4. Dabool afkaaga iyo sankaaga xilliga aad “Hindhisayso” iyo marka aad “qufacayso”, meel ay dad ka buuxaanna kala fogow.
  5. Badso cabitaanka biyaha iyo cabitaanka dabiiciga ah, si aad u xoojiso habdhiska difaaca jirka, jirkana aad uga ilaaliso cudurrada.
  6. Ka fogow cunnooyinka fudud iyo kuwa baruurtu ku badan tahay, badso khudaarta iyo fruit-ka, gaar ahaan vitamin C & D.
  7. Ka fogow sigaarka iyo cabitaanka alcohol-ka, maxaa yeelay; waa sababa ugu badan ee keena cudurrada waqtiga dheer iyo qandhada.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close