WararkaWaxbarashada

Japan oo 3-milyan oo Dolar Ku Bixinaysa Caruurta Barakacayaasha Abaaraha Soomaaliya si Waxbarasho iyo Quudin Loogu Helo

War-saxaafadeed ka soo baxay UNICEF maallinimadii shalay ayaa lagu sheegay in dowladda Japan ay ku deeqday $3Milyan oo dolar oo lagu taageerayo caruurta Soomaaliyeed ee danyarta ah si iskuulaadka loogu sii hayo, adeegyo kaalmaati ahna looga fidiyo dumarka iyo caruurta xanuunsanaya. Lacagtana ayaa muddo sanad ah loogu talagalay, waxaana ka faa’iidaysanaya caruurta ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Lacagtan ayaa lagu caawin doonaa 10,000 oo caruur ah oo ilaa 50 iskuul wax ka barata, waxaa lagu dhisi doonaa 50 iskuul oo kale oo Kumeel gaar ah, iyadoo caruurta la siin doonto cunno si aaney waxbarashada uga baaqsan.

Japan waa dowladda lagacaha ugu badan ugu deeqda UNICEF dhanka xadgudubyada ka dhanka ah dumarka, lacagtan cusub ayaa lagu maalgelin doonaa si loo ogaado xadgudubyada ka dhanka ah caruurta, 1250 kale oo la dhibaateeyay iyo caruurta dhaqan celinta ku jira oo laga soo celiyay gacanta kooxa hubaysan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close