WararkaWaxbarashada

Jerome Hamon: Ninkii Ugu Horreeyay ee Saddex Weji Yeesha

Marka uu 41-sano jir ahaa Jerome Hamon waxa uu noqday ninka kaliya ee adduunku uu yaqaanno ee saddex weji oo kala duwan yeesha, kadib markii uu maray labo qalliin oo wejiyo cusub loogu beerayo, cudur neerfa ah oo wejiga dhalanroga oo ku dhacay darteed.

Qallinkii Koowaad ee wejiga looga bedelo waxaa lagu sameeyay sanadkii 2010, laakiin sanadkii 2015 ayaa dhakhtar waxa uu siiyay antibiotic mar uu hargab ku dhacay, markii dambena ay caddaatay inaanuu ku habbooneyn daawooyinkii difaaca ee uu qaadanayay.

November, 2017 ayaa dhakhaatiirtu caddeeyeen inuu u baahan yahay qalliin si wejigii hore looga siibo, weji cusubna loogu beero. Marlabaad ayaa qalliin lagu sameeyay Janaayo 16, 2018, kadib markii ay dhakhaatiirtu heleen weji qof dhintay uu ku tabarucay oo ay iswaafaqi karaan wejiga Jerome.

Qalliinkana ayaa lagu sameeyay isbitaalka Georges-Pompidou hospital, waxaana fuliyay Dr Laurent Lantieri oo ah professor qalliinka qurxinta ku takhasusay, waxa uu sideed sano ka hor fuliyay qalliinkii ugu horreeyay adduunka ee weji qof bani’aadam ah looga bedelo.

Saddex bilood kadib oo miisaanka Jerome uu aad hoos ugu dhacay, ayaa uu isbitaalka ka baxay isbuucii hore markii ugu horreysay, waa intii qalliinkan labaad lagu sameeyay, Jariidada Le Pariseien ayuu u sheegay “Anigoo daalbadan dareemayay ayaan hadana aad u faraxsanaa.”

Wejiga cusub ayaan weli wax dhaqaaq ah la hayn, waxaa loo baahan yahay iney u suuraggasho inuu qoslo ama uu dhoolacaddeeyo.

Professor Lantieri ayaa sheegay iney dhakhaatiirtu ilaa hadda ay sameeyeen 40-qalliin oo weji beeris ah adduunka oo dhan.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close