CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Jiirka oo Si Wanaagsan Lagu Ogaado Dadka Qaba Cudurka Qaaxada(TB)

Cilmi-baarayaal u dhashay Tanzania ayaa xaqiijiyay in waddooyinka caadiga ah ee lagu baaro cudurka TB ee laga adeegsado wadama faqiirka ah aaney ku filneyn si loo ogaado xilli hore cudurka khatarta ah gaar ahaan caruurta.

Khubaradan ayaa waxay heleen waddo cusub oo aan kharash badan ku baxayn cudurka si heersare ah loogu baari karo, iyadoo la adeegsanayo Jiirka Afrika ee la yiraahdo “Cricetomys ansorgei”, kuwaas oo cudurka ku sooca dhanka candhuufta “Mycobacterum tuberculosis” keenta cudurka TB-da.

Si loo hubiyo natiijada daraasaddan, cilmi-baarayaashu waxay candhuuf ka qaadeen 982-caruur ah oo da’doou tahay 5-sano oo horey baaritaanno dhanka shaybaarka loogu sameeyay, waxaa cudurka TB laga helay 34 ka mid ah. Markii candhuufta loo bandhigay Jiirka shaybaarka waxaa soo baxday 23 xaaladood oo cusub oo caruur uu cudurku hayo ah, dib ayaa baaritaankii shaybaarka loogu celiyay, waxaa la xaqiijiyay inuu cudurku hayo.

Cilmi-baarayaashan oo ka tirsan Jaamacadda Beeraha ee Tanzania ayaa waxay hoosta ka xarriiqeen in baaritaanka cudurka ee dhanka candhuufta ay aad u adag tahay dhanka shaybaarka, gaar ahaan dowladaha faqiirka ah.

Georgies F. Mgode oo ah dhakhtar PhD ah, madaxna ka ah qaybta caafimaadka guud iyo cudurrada xoolaha ee Jaamacadda Sokoine ee cilmiga beeraha, cilmi-baaristanna hogaaminayay ayaa sheegay in Jiirka Afrika(Cricetomys ansorgei) uu ahaa mid faa’iido badan xilliga baaritaanka caruurta 5sano jirka ah, inta badan waa lagu hungoobaa, ayuu yiri, baaritaannada lagu sameeyo maadaama ay candhuuftoodu yartahay. Laakiin Jiirku si isku mid ah ayuu u sheegaa candhuufta cudurka sidda dadka waaweyn iyo caruurtaba.

Khubaradan ayaa ku tala jira iney tijaabadooda adeegsiga Jiirka shaybaarka ay ballaariyaan, si loo hubiyo xaaladaha lagu ogaan waayo dhanka shaybaarka caadiga ah oo daawada cudurka waqtigii ku habbooneyd uu qofka u bilaabo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close