WacyigelinWararkaWaxbarashada

Mushaarka Ayaa Ka Mid ah… 7-dan Mowduuc Ha Kala Sheekaysan Saaxiibadaada Shaqada

Website-ka FB.ru ee ka soo baxa gudaha Ruushka ayaa warbixin ka diyaariyay in dadka qaar ay arrimo aan habbooney uga hadlaan goobta shaqada iyagoo doonaya iney caajiska dilaan ama aamusnaantana goobta shaqada ka jirta ay jabiyaan.

Website-ka ayaa sheegay in sheekhada shaqaalaha ee xilliyada nasashada aaney reebanayn caado xunna ahayn, laakiin inaad kala sheekaysato mawaadiic aan munaasab ahayn ay dhici karto iney dhibaato u gaysato shaqadaada gaarka ah.

Website-ka ayaa farta ku fiiqay in sheekhooyinka qaar ee aad saaxiibadaa kala sheekaysato ay mustaqbalkaaga shaqo dhibaato u gaysan karto, waxaa hubaal ah  in dadka qaar ay macluumaadkaa adiga kuu adeegsan karaan si ay kuu sumcad dilaan.

Hadaba, marka aad saaxiibabaada shaqada la sheekaysanayso ka digtoonow waxa aad leedahay iyo waxwalba oo aad ku faafineyso Baraha-bulshada ee noloshaada gaarka ah ku saabsan. Sida dhabta ah; dumarka ayaa si gaar ah iskugu xog warrama inta badan, laakiin raggu waxay ka sheekaystaan waxyaabaha dhibaatooyinka ah ee ay waajahaan.

Website-ka waxa uu hoosta ka xariiqay in dadka qaar ay naftooda dhibaato u soo jiidaan sheekadooda darteed, taasina kama dhigna inaad jarto xiriirka kaala dhexeeya saaxiibadaada shaqada, la sheekayso laakiin ka fogow faahfaahinnada noloshaada gaarka ah, waxaa jira waxyaabo badan oo lagaa rabo inaad ka sheekayntooda ka fogaato, qaraabadaada iyo saaxiibadaada gaarka ah oo qurana aad la wadaagto.

  1. Saaxiibkaa hala wadaagin imtixaan aad shaqo kale u gashay, waxaa dhici karta in shaqadaa kale uu waqtigeedu kaa dib dhaco, tii aad joogtayna lagaa war helo inaad shaqo kale doondooneyso oo si degdeg ah lagaaga maarmo.
  2. Mawaadiicda siyaasiga ah, inta badan waxaa goobaha shaqada doodaha ka dhaliyaa waa iyaga, gaar ahaan xilliyada doorashooyinka, waxaa habboon inaadan arrimaha siyaasadda kala doodin saaxiibadaa; maxaa yeel, waxaa dhici karta inaad kala aragti duwan tihiin madaxda shaqada arrintaasi waxay keeni kartaa in horumarka mihnadaada ay horisitaagto, maadama laga yaabo in si aan ula kas ahayn laguu noco, dad kale oo kaa kaalin hooseeyana lagaa hormariyo.
  3. Mujtamacan casriga ah ee aan ku dhex noolnaha waxaa kale oo muran ugu badan ka dhashaa masaa’ilka khilaafka ee diinta, marka shaqada la joogo waxaa habboon in mawaadiicda khilaafka aadan ka hadlin.
  4. Mushaarka, masaa’ilka dhanka mushaarka ku saabsan waxaa habboon inaadan saaxiibadaa kala sheekaysan, waxaa dhici karta in dadka isku hal-shaqo hayaa ay kala mushaar badan yihiin, waxaa habboon inaan qofna ogaan waxaad qaadato, qofna aadan weydiin waxa uu qaato, haddii aad doonayso inaad dhanka mushaarka ka hadasho maamulahaaga toos u abaar ama qofka qaybta maaliyadda mas’uulka ka ah.
  5. Caadooyinkaaga gaarka ah iyo balwadda aad leedahay cidina yaaney ogaan, maxaa yeelay; caadooyinka xun ee aad leedahay waxaa habboon inaadaan la jahrin oo dadka oo dhan aaney ogaan.
  6. Damacaaga shaqada waxa uu ka mid yahay masaa’ilka u baahan inaad si aad ah ugu fakarto, inaad saaxiibkaa la wadaagto maaha, maxaa yeelay; maamulahaaga marnaba ma ogolaanayo inaad booskiisa la wareegto dagaal kastana wuu u galayaa sidii uu shaqada kaaga eryi lahaa.
  7. Website-ka waxa uu sheegay iney jiraan dadka qaar oo hadal badan oo ka sheekeeya noloshooda gaarka ah iyo xanuunka qof ka mid ah qaraabadooda haya, arrimahaas waxay dadka ugu muuqaneysaa inaad tahay qof aan noloshiisa gaarka ah ka adkayn, markaa waxaa habboon inaad ka fogaato inaadan arrimahaa saaxiibadaa kala sheekaysan.

Ugu dambeyn, website-ku waxa uu tilmaamay inaan qofna lagala hadlin taariikhdaada caafimaad, waxaa dhici karta iney horumarka dhanka shaqada kaa horistaagto, saaxiibadaaduna ay ra’yi khaldan kaa aaminaan, maamulahaagana ay ugu muuqato inaan caafimaadkaagu kuu saamxayn mas’uuliyad weyn in laguu dhiibo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close