WararkaWaxbarashada

W.Waxbarashada XFS & Kuwa Maamul-Goboleedyada oo Ku Hashiiyay Qodobbo Uu Ka Mid Yahay Dib Usoo Celinta Magacyadii Iskuulaadka Dowladda

Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galguduud lagu soo gabagabeeyay shirkii Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad-goboleedyada dalka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee SONNA, shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad-Goboleedyada Jubbaland, Koonfur-galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle.

Shirkan ayaa qodobadii ka soo baxay waxaa ugu muhiimsanaa, tayaynta waxbarashada dalka, Dhaqangalka Manhajka cusub ee sanad dugsiyeedka dambe, qaybsiga deeqaha waxbarasho, magacyada dugsiyadii hore ee Dowladda Soomaaliya oo dib loo soo celinayo iyo kuwo kale.

War-Murtiyeedkii ka soo baxay Shirka oo dhameystiran halkan hoose Ka Akhriso:

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close