WararkaWaxbarashada

Dalka Japan: Siyaasi Wacad Ku Maray in “Robot” Uu Ku Bedeli Doono Siyaasiyiinta Kale!

Michihito Matsuda oo u sharraxan xilka duqaga magaalada  Tama New Town ee dalka Japan, ayaa ballanqaaday in robot iyo garaadka smarts-ka uu ku bedeli doono siyaasiyiinta, waxa uu aaminsan yahay in go’aankani uu u wanaagsan yahay mustaqbalka, waxa uu yiri aaladuhu waxay sameyn karaan waxyaabo aanuu awoodin aadanuhu.

Ol’olihiisa waxaa magaalada loo qaybiyay warqado uu ku daabacay sawirka robot, waxa uu taageerayaashiisa u jeediyay khudbad xamaasad badani ka muuqato oo aad u heer sarreysa, waxa uu soo bandhigay siyaasaddiisa oo ku tiirsan robot-ka.

Sida jariidada “Daily Mail” ay qortay, Tama New Town waa magaalada ugu hormarsan dalka Japan 40-sano ee lasoo dhaafay, laakiin waxaa ka jirta mushkilad ah in dadka waayeelka ah ay ku soo badanayaa, arrintaas oo keenaysa in maalulka hadda la bedelo, iyadoo robot lagu soo kordhinayo nolosha guud ee shaqaalaha.

Waxaa xusid mudan, in Japan ay ka mid tahay dowladaha robot-ka si aad ah ugu tiirsan, waxay ka howlgalaan hotellada, ganacsiga iyo waddooyinka, in siyaasadda loo isticmaalana wax lala yaabo maaha.

https://twitter.com/KaiterEnless/status/986801926250680321

Maandeeq FM

Related Articles

Close