WararkaWaxbarashada

Gedo: Carruur Barakacayaal ah oo Barta Farshaxanka Sawir-gacmeedka

Carruurta tuulooyinka qansaxleey iyo Kibasi ee Degmada Doolow ee Gobolka Gedo oo helay tababar ay maalgelinayso WFP oo ay ku barteen Farshaxanka Sawir-gacmeedka.

Dunidan waxay sii noqoneysaa meel si kooban la isaga warqabo sawir-gacmeedkuna wuxuu ciyaarayaa kaalin muhim u ah aragtida shaqsiga.

Sawirgacmeedku waa luuqad ay carruurtu si wacan ugu cabbiri karaan aragtiyadooda, dareenkooda iyo fekradahooda, sidaas darteed farshaxanka sawir-gacmeedka waxaa la dhihi karaa waa aalad muhim u ah carruurta marka ay dareen ahaan kula xiriirayaan dadka kale.

Si guud sawir-gacmeedku waa faa’iido weyn oo bani’aadamka u sahlaya in uu dareenkiisa si fudud oo sahlan u cabbiro wax ka yar intii ay ku qaadan laheyd in uu qoraal ku gudbiyo waxa ka dhex guuxaya.

Si gaar ah carruurtu in ay wax sawiraan wuxuu u sahlayaa in ay aqoonsadaan kartida iyo garaadka ku duugan iyo in ay xaqiijiyaan in ay yihiin kuwo waxgal ah naftooda iyo bulshada ay ku dhex noolyihiinba.

Iyadoo laga amba-qaadayo muhiimaddaas weyn ee sawirgacmeedku uu ugu fadhiyo dadka gaar ahaanna carruurta yar yar ayay si weyn uga faa’ideysanayaan carrurta doolow barnaamijka lagu tababarayo afartanka carruur ee kasoo jeedda qoysaska soo barakacay ee ku nool deegaanka.

20 Gabdhood iyo 20 Wiil oo da’doodu ay ka hooseyso 14 jir ayaa ka qeybgalay Tababarkan xiisaha leh, tababar muhim u ah oo lagu barayo farshaxanka gaar ahaanna sawir-gacmeedka.

Waa markoodii ugu horreysay oo ay fursad u helaan in la baro sawirgacmeedka.

Carruurtan oo badankood ah kuwa kasoo jeeda qoysaska soo barakacay oo ku nool tuulooyinka qansaxleey iyo Kibaasi oo hoostaga Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa hadda rajo wanaagsan ka leh mustaqbalka in ay noqdaan farshaxaniisteyaal caan ah.

Hay’adda WFP ayaa barnaamijkan ka taageereysa dhinacyada agabka, Macalinka, iyo tasiilaadka kale ee lagu fulinayo.

Waa tababar qaatay muddo Saddex maalmood ah, kaasoo suurtageliyay in ay ardeydu bartaan sida wax loo Sawirro, loo Qurxiyo loona Midabeeyo, Deeqo Abshir oo ku xeeldheer farshaxanka wax sawirridda ayaa ardayda ka caawineysa in ay bartaan sawirgacmeedka.

“Barnaamijkan waxaan ugu tala galnay in ay carruurta ku bartaan sida loo sameeyo sawir-gacmeedka, maxaa yeelay sawir-gacmeedku wuxuu kobciyaa garaadka isla markaana xoojiyaa aragtida gaarka ee carruurta” Deeqo Abshir oo ka ah artiste ayaa goobjoog[oo ay Maandeeq FM bahwadaag yihiin] u sheegtay.

Inta ay waxbarashadan ku jiraan carruurtu waxay helayaan quudin joogto ah maaddaama badankood ay yihiin carruur iyaga iyo qoysaskoodaba kusoo barakacay Deegaanka kuwaasoo kasoo cararay Abaarro iyo Colaado saameeyay deegaannadooda.

hey’adda WFP waxay carruurtan dhameysatay tababarka farshaxanka sawirgacmeedka guddoonsiisay shahaaddo ka marqaati kaceysa waxa loo tababaray.

Carruurta tuulooyinka qansaxleey iyo Kibasi ee Degmada Doolow carruur mustaqbal ku leh Farshaxanka gaar ahaanna Sawir-gacmeedka.

W/D: Aweys Xaaji Nuur

Maandeeq FM

 

Show More

Related Articles

Close