arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Haddii Booskeeda uu Rag Joogi Lahaa Ma Aaney Badbaadeen.. Faahfaahinta 20-Daqiiqo oo Duuliyahani uu Ku Badbaadiyay 148-rakaab ah oo Geeri Qarka u Saarnaa

20 daqiiqo markii ay hawada ku jirtay, Talaadadii April 17, 2018, duuliye-sare Tammie Jo Shults,  waxay wadday diyaarad raacsan shirkadda duulimaadyada ee Southwest Airlines, waxay diyaaraddu ku socotay khadka duulumaadyada Caalamiga ah oo ah kan ugu ammaanka badan ee diyaaraduhu caadi ahaan ku duulaan. Laakiin waxaa si lama filaan ah u qarxay matoorkii garabka bidix ee diyaaradda.

Burburkii matoorka ayaa soo galay gudaha diyaaradda oo dariishadihii qaar burburiyay, waxaa hoos u dhacay cadaadiskii hoolka diyaaradda, rakaabkii waxaa ku dhacay argagax.

Qolkii baylootka diyaaradda xaalad xasilloonni ah ayaa ka jirtay, kabtan Tammie wax khlakhal ah kama muuqdo, waxay isku dayaysaa iney diyaaradda xakameyso iyadoo safarka ay ku socdeen tirsigiisu ahaa 1380.

Waxay la xiriirtay xafiiska saadaalinta hawada, waxay ku tiri: ” Safarka diyaraadda tirsigeedu yahay 1380 ee raacsan shirkadda Southwest Airlines, waxay waajahaysaa dab ka kacay matoorka, wayna soo dagaysaa.”

Xilligaa iyada kabtan Jo waxay waajahaysaa xaalad soo marta qof kasta oo pilot ah  laakiin waa marka uu tababarka ku jiro, waxay ku khasban tahay iney si degdeg ah u dagto.

40-daqiiqo ee xigtay waxay qaadday tallaabo uu mid ka mid ah rakaabii diyaaraddu ku tilmaamay “Rag ka rooni”, diyaaraddii waxay ku jihaysay dhanka Philadelphia oo ay duruuftu ku khasabtay.

Sida ay qortay Jariidada “New York Times” Rakaabkii diyaaradda saarnaa qof kastaaba naftiisa wuu ka quustay farriimo sagootin ah ayuu dhigay Baraha-bulshada iyo goobtii kale ee u suuraggalka ahayd.

Laakiin kabtan Shults oo da’deedu tahay 56-sano jir diyaaradda si wanaagsan ayay u xakameynaysay, waxay ka mid ahayd dufcaddii ugu horreysay dumar duuliyanimo loo tababaray ciidanka badda Mareykanka, waxay baratay kaxayna diyaaradda dagaalka F/A-18. Xilligaa dumarka looma ogoleyn iney ka qaybqaataan howlgallo dagaal oo rasmi ah.

Xaaladdii diyaaradda markaan dib ugu soo laabanno, shaqaalihii garoonka Philadelphia ayay wediisatay: “Shaqaalaha gurmadka degdegga ah manoo dalbi kartaan, waxay u sheegeen in diyaaraddu ay duleesho qofina uu ka soo dhacay.”

Kow iyo Tobonkii Subaxnimo iyo qadar 20-daqiiqo ah, ayaa diyaaradda oo nooceedu ahaa  Boeing 737 ay si xasillooni ah ugu soo dagtay runway-gii diyaaradaha loogu talagalay ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Philadelphia. Waxaa sidaa ku badbaaday 148-rakaabkii diyaaradda ah, iyadoo hal-qof dhaawac soo gaaray uu markii dambe isbitaalka ugu geeriyooday.

Falcelintii Rakaabka Markii diyaaraddii Ay Badbaadday

Diana McBride Self oo barteeda Facebook qoraal ku soo qortay ayaa waxay tiri: “Waa geesi Qaran oo dhab ah. Aadbaan uga mahacelinayaa inaan bartay, iyo pilot-nimadeedii, geesinimadeedii, iyada iyo shaqaalihii kale diyaaradda Alle ha ilaaliyo.”

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close