WacyigelinWararkaWaxbarashada

6 Fikir Wax-soosaar ee Horumarka Shaqada Lagu Gaaro .. Iskaga Bax Shirka Caajiska ah!

Billioneir-ka Elon Musk waxa uu guulo waaweyn ka gaaray howlihiisa ganacsi ee teknoolajiyadda iyo space-ka hawada sare, waxa uu ka mid yahay maamulayaasha ugu guulaha badan adduunka, waxa uu gacanta ku hayaa dhowr shirkadood oo waaweyn oo uu isagu maamulaha ugu sarreeya ka yahay.

Waxa uu maamulaa shirkadda gawaadhida korontada ee Tesla, shirkadda SpaceX iyo shirkadda Boring Company ee tubbooyinka iyo waddooyinka dhulka hoostiis ah dhista.

Waxaa la helay e-mail qorshaha uu ku maamulo 37-kun oo shaqaale Tesla ka tirsan, 6-fikradood ee wax-soosaar ee keentay in Musk uu guulaysto, waxaa ku jira qorshayaasha qaar kuwo caadadii hore khilaafsan.

1- Ka fogow shirarka waaweyn

Musk waxa uu leeyahay shirarka waaweyn ayaa ah aafooyinka shirkadaha waaweyn haysta, inta badan lagama faa’iido oo xaaladda shirkadda ayunbay sii xumeeyaan. Waxaa habboon ayuu leeyahay in la iska daayo ama la iska xadido kulamadaas.

2- Shirarka tirda badan oo laga dheeraado

Billionaire-ka waxa uu caddeeyay in shirarka joogtada ah aaney wax qiimo ah soo kordhineyn, marka aad la mucaamilayso mas’alad gaar ah oo shirkadda ku taagan mooyaane.

3-Shirkaga iskaga tag haddii aanuu adiga ku khusayn

Inaad iskaga baxdo shir aadan waxba ku soo kordhineyn ama aan ku khusayn waxba kuma jaban, “Waxaa aad u xun inaan qof waqtigiisa ka dayacno.”

4- Ka fogow erayada kookooban ee fasiraadda u baahan

Musk waxa uu leeyahay”Ha isticmaalin erayda kookooban ee aan si cad loo fahmi karin ee hadhow waxa aad ula jeeddo la isweydiin karo, waxay lumineysaa xiriirkii wanaagsanaa.”

  1. Silsiladda kala sarreyn shaqada ka gudub haddii ay lagama maarmaan noqoto

Shaqooyinka waxaa waajib ah in lagu qabto waqtiga ugu gaaban ee ugu dhakhsiyaha badan, markasta in amarka qofka kaa sarreya sugto maaha.

6- Qaanuun goonni ah ha raacin ee garaadkaaga kaasho

Si guud damiirkaagu haku hago, haddii qaanuunka shirkaddu aaney is-qabaneyn mowfiq gaar ah, damiirkaaga kaasho si loo xaqiijiyo maslaxad guud, waxaa waajib ah inaad xeerkaa ka gudubo oo aad ra’yiga saxda ah qaadato, waa sida uu Musk qabo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close