arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Hal-xabbo oo Moos ah oo Qiimihiisu Yahay In Ka Badan 1000-kun oo Dollar!

Tukaanka Asda ee dalka Ingiriiska ayaa cudadaar-ka bixiyay kadib markii uu gabar macaamiishiisa ka mid ah uu ku soo dallacay 930-gini oo ah qiimaha hal-xabo oo moos ah.

Jariidada Daily Mail ayaa tiri, gabadha la yiraahdo Bobbie Gordon waxaa lama filaan ku noqday in lagu soo dallaco lacago qaansheegad ah oo e-mailkeeda loogu soo diray oo qiimaheedu kor udhaafayo 1000-giniga Ingiriiska ah oo ka soo gaartay tukaanka Asda.

Bobbie iney lacagta bixiso waxaa ka horistaagay kaarkeedii lacagta oo diiday inuu qiimahaa bixiyo, markii bankigu arkay qiimaha lacagta ee ka badan 1000, waxa uu sheegay iney khiyaano ay jirto.

Gabadhan ayaa wax ku iibsatay lacag aan 5 gini ka badneyn, laakiin lama filaanka ayaa ahaa sicirka mooska oo qiimihiisa ay ku qorneyd 930.11 gini oo ah lacag u dhiganta $1320(kun iyo saddex boqol iyo labaatan), sida caadiga ah qiimaha mooska waa 0.11-gini.

Bobbie Gordon oo ka soo jeedda Sherwood oo ka tirsan Nottingham ayaa sheegtay in tukaanku uu ka cudadaartay falkaas, waxayna tilmaantay in khaladu uu ahaa mid computer-ka ah.

 

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close