TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Magaciisu Waa “Mobile” laakiin Wuu Ka Awood Badan Yahay Laptop Kasta oo Dunida Yaalla… Wax ka Agow Awoodihiisa

 

Shirkad Chinese ah oo dhawaangal ah ayaa suuqa soo galisay mobile ay warbaahinku ku tilmaantay inuu yahay “Mobile ka tayo badan laptop kasta oo dunida yaalla.”

Sida uu qoray website-ka bgr ee teknoolajiyadda ku takhasusay kana soo baxa gudaha dalka Shiinaha, shirkaddan oo magaceeda la yiraahdo Ulefone ayaa mobile-keeda cusub loogu yeeraa “Power5“, waxa uu mobile-llada kale kaga duwan yahay betarigiisa oo ka awoodda badan kana tayo sarreeysa beratiga laptop kasta.

Power5 waxa uu mobile-llad kale kaga duwan yahay betarigiisa awoodda badan 13,000 mAh/saacaddi, taas oo la macno ah in uu 7-cisho ku haynayo adigoo sida aad doonto u isticmaalaya!.

Betarigan ayaa si uu u buuxsamo waxa uu u baahan yahay oo qura 2-saacadood iyo 3-daqiiqo oo kaliya.

Mobile-kan ayaa ah mid shaashaddiisu ay weyn tahay waa 6-inch oo Full HD ah oo aad u heersarreysa.

Mobile-kan ayaa RAM yahay 6GB, waxa uu sida oo kale wataa memory 64GB ah oo aad wax ku kaydsan karto.

Mobilka ayaa sidoo kale, waxa uu gadaal ku leeyahay Labo camera oo ay midi  tahay 21-megapixel, halka midda kale ay tahay 5-megapixel. Dhanka hore waxa uu ka wataa Labo camera oo  13-megapixel, halka tan kale ay tahay 5-megapixel.

Waxaa sidoo kale la socda mobil-kan barnaamij qofka wejigiisa iyo farihiisa akhrinaya oo lagu aqoon sanayo oo  la mid ah kan ay Apple ku xoojisay mobile-keeda iPhone X.

Maandeeq FM

Related Articles

Close