arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sanadguurada Dhalshadeeda 92aad.. Wax Ka Ogow Sirta Dabaaldegga Boqoradda ee Munaasabaddan Labo Jeer

Boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth ll, ayaa maanta oo Sabti ah  April 21, ay u tahay sanad-guuradii dhalashadeeda ee 92-aad, isla markaana waxay u tahay sanadguuradii 66-aad ee ka soo wareegatay markii boqorad loo caleemo saaray sanadkii 1952.

Sida ay BBC sheegtay, caado ahaan boqoraddu ciidda dhalashadeeda oo kaliya uma dabaaldagayso ee waxaa ku laran oo la socda ciidda markii ay boqorad ka noqotay UK.

Queen Elizabeth ll,  waxay ugu dabaaldagtaa ciidda dhalashadeeda kulan qoyskeeda dhexdheeda ah. Laakiin waxaa jira salaan boqortooyo oo loo rido saddex madfac dhexbartamaha maalinta, iyadoo 41-madfac oo kale looga rido barxadda “Hyde Park” ee caanka ah, 21-madfac oo laga ridayo barxadda Windsor Great, 62-madfac oo laga ridayo afaafka hore ee Tower-ka London.

In boqorddu u dabaaldagto labo ciid dhalasho waa dhaqan soo bilowday 250-sano ka hor oo uu soo bilaabay Boqor George ll sanadkii 1748.  Waxaa isasaaran xilligii  dhalashada rasmiga ah iyo markii loo caleemo saaray boqortooyada Ingiriiska.

Maandeeq FM

Related Articles

Close