WararkaWaxbarashada

Turkiga oo Kaydkiisii Dahabka Kala Baxay Dalka Mareykanka!

Bankiga dhexe ee Turkiga ayaa 2017 waxa uu kala soo baxay kaydkiisii dahabka ee u yaallay dalka Mareykanka, kadib markii uu xumaaday xiriirka labada waddan ee Ankara iyo Washington, waa sida ay qortay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegay in Turkigu uu Mareykanka ku kaydsaday 28.7 oo Tan oo macdanta dahabka ah ee qaaliga ah, qayb ka mid ah waxaa dib loogu soo celiyay Turkiga, inta soo hartayna waxaa lagu kaydiyay Yurub, Bankiga UK, iyo Bankiga Settlements International ee Switzerland.

Weli wax qoraal ah oo rasmi ah kama soo bixin bankiga dhexe ee Turkiga, waa arrin ku tusinaysa sida sirta ah ee dahabkaa loosoo daabulay. Warbixinta maaliyadeedka soo baxday 2016, waxay tilmaamaysay in kaydka dahabka ee Mareykanka uu gaaray 28.689-tan, laakiin warbixintii 2017 tiirka ka hadlay kaydka dahabka laguma soo darin!.

Turkigu maaha dowladdii Koowaad ee kaydkeeda dahabka kala soo noqota Mareykanka oo horey Jarmalka ayaa sidan oo kale u sameeyay oo  qayb ka mid ah hantidiisa dahabka kala soo laabtay dalka Mareykanka, halka uu kaydkiisii oo dhan kasoo ceshaday dalka Faransiiska.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close