WararkaWaxbarashada

W.Waxbarashada XFS oo Muddo 10-cisho Gudahood Ah Soo Saartay Labo Go’aan oo Kala Duwan.. Xilliga uu Dhacayo Imtixaanka Midaysan

 

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya C/raxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in Wasaaraddu ay go’aamisay in May 19, 2018. uu yahay xilliga loo ballansan yahay Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2018/2019.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka SONNA, Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in Imtixaanka ay ka qaybgali doonaan 21-kun oo ka mid ah ardayda Gobolka Benaadir, halka 6-kun oo kale ay ku geli doonaan gobollada kala duwan ee dalka, isku dar aydadyna ayaa gaaray illaa 27-kun oo arday.

“Dowlad-goboleedyada shirkii aan ku yeelanay Dhuusamareeb waxaan u sheegnay in 19-ka May uu dhici doono Imtixaanka, waxaan u bandhignay kormeerayaashii 27-kun ayaana u fariisan doonta”ayuu yiri C/raxmaan Maxamuud Cabdulle.

Si kastaba, 12-bisha ayay ahayd markii Wasiirka Waxbarashada XFS Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan uu sheegay in imtixaanka shahaadiga ah uu dhici doono 12-May.

Maandeeq FM

Related Articles

Close