WararkaWaxbarashada

Dunida oo Maanta Looga Dabaaldagayo Maalinta Caalamiga ah ee “Dhulka”

Maalinta Dhulka waa maalin Caalami ah oo ujeedkeedu yahay in kor loo qaado wacyigelinta iyo xiisaha jawiga dabiiciga ah ee dhulka aan ku noolnahay.

Maalinta markeedii ugu horreysay waxaa bilaabay Senator Gaylord Nelson si ay dadku ugu baraarugaan deegaanka oo dadka la wacyigeliyo April 22, 1970.

Maalinta markeedii hore waxaa looga dabaaldagi jiray gudaha dalka Mareykanka oo kaliya, laakiin Dennis Hayes ayaa waxa uu aasaasay 1970 ururka The Bullit Foundation oo ka shaqeeyay in maaalintaa laga dhigo maalin caalami ah. sanadkii 1990 waxaa looga dabaaldagay 141-dowladda oo daafaha kala duwan ee dunida ah.

April, 22 waxay gu’ u tahay qaybta Waqooyi ee dhulka, waxayna dayr u tahay qaybta koonfureed, sanad walba waxaa u dabaaldaga 175-dowladood oo dunida daafaheeda kala duwan ka tirsan.

Juun 5, ayaa ah maalinta deegaanka aadduunka ee sanad kasta ay Qaramada Midoobay u dabaaldagto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close