WararkaWarbixinnoWaxbarashada

Qiimaha Tifaftirka & Faafreebku u Leeyahay Qoraaga Da’da Yar

Qiimaha uu tifaftirka iyo faafreebku u leeyihiin qoraaga da’da yar ee Soomaaliyeed waa wax aan la qiyaasi karin, buugaagta ay qoraan iyagoon khibrad badan lahayn, waayo aragnimaduna ku yartahay ayaa lagama maarmaan ka dhigaysa iney la doontaan qof kaga waayo aragsan oo talooyin iyo toosinba siiya.

In wax la qoro waa shaqo adag oo u baahan dulqaad, geesinimo, hal-abuurnimo iyo xulashada mowduuc soo jiidasho leh oo bulshada oo dhan ay ka wada heli karaan. Intaas oo dhan waxaa ka sii daran marka buugga la dhammeystiro waxaan laga maarmin talada iyo toosinta khubarada si buuggu u noqdo mid markii bulshada la dhex geeyo ka gadma.

Hadaba, si aan waxbadan uga ogaanno mowduucan ayaa wariyeheenna Maxamed Ciise ‘Koonaa’ waxa uu makaroofka la dhex maray dhowr qoraa oo da’yar ah isagoo wax ka waydiiyay qiimaha uu tafaftirka buugaagta uu u leeyahay iyo cidda ay la kaashaadaan tirafatirka iyo faafreebka buugaagta.

Maxamed Xasan Shaaciye qoraa da’yar ah ayaa waxaa uu ka hadlayaa sida Buuggiisa loogu tafaftiray iyo cidda uu la kaashaday:“Buuggan tafaftirkiisa waxaan la kaashaday dad badan maadaama aniga aan qoraalka ku cusubahay, maadaama aan soo saarayo Buug waa inaan raadiyaa dad badan oo iga caawiya dhanka Faafreebka, sidoo kale tifaftirka Buugga waxaa gacan iga siiyay Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta”.

©MAANDEEQFM

Qorayaasha qaar ka mid ah Buugaagtooda waxay la kaashadaan aqoonyahanno ay si gaar ah ugu kalsoonaadeen, kuwaas oo khibrad u leh soo saarista buugaag tayo leh sida ay sheegeyso Xaliimo Xasan Tacshiir oo qoraalka buuggeeda la kaashatay aqoonyahan si wanaagsan u gacan qabtay:

“Dhibaatooyin badan  ayaan kala kulmay diyaarinta Buuggii ugu dambeyn waxaan helay Abwaan ii saxo inta aan Buugga aan qorayay oo dhan wuu iga tifaftirayey “.

©Maandeeq FM

Cabdillaahi Nuur Tahliil oo isna ah qoraa ayaa ka hadlay muhiimadda uu tifaftirku buugga u leeyahay, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Adiga qiimahaaga waxaa ogaankara qofka wax tifaftira oo kaliya iyo qiimaha aad wax ku qortay. Adiga dadkii wax akhrisanaayay waxaa u dhaxeenaaya qof tifaftire ah, waxa uu qofkaasi qoray bulshada ma u fiican yihiin.”

©MAANDEEQ FM

Si kastaba, Tifaftirku waa shaqo uu qabto qof leh khibradeeda iyo waayo aragrimadeeda, dhanka luqadda si mugleh u fahamsan, waxay kulansan kartaa saxid, nidaamin, wax ka bedelid, si loo gaaro in shay sax ah oo la hubiyay oo dhammeystiran uu bulshada usoo baxo. Inta badan tifaftirku waxay ka bilaabataa fikradda qoraaga, wayna soconaysaa ilaa wax-soosaar dhameystiran laga gaaro. Halka faafreebku yahay in wixii dhaqanka iyo diinta khilaafsan ee mushkilad aan bulshada dhex oollin abuuri kara ama mid jirtay sii hurin kara in laga hortago.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close