arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sucuudiga oo Mamnuucay Booqashada Buurta “Jabal Al-Nuur” ee Waxyigii Ugu Horreeyay Uu Ku Soo Dagay

Sucuudiga ayaa ka mamnuucay shirkadaha Xajka iyo Cumrada iney qorshahooda safarka ku soo daraan booqashada buurta “Jabal Al-Nuur” ee uu ku yaallo godkii Qaar Al-Xiraa ee gudaha Magaalada Makka Al-Mukaramah.

Wakiilka Wasaaradda Xajka Dr. Cabdul Al-Casiis aal Wazzan ayaa Sabtidii sheegay in go’aanka uu salka ku hayo “Dadka qaar oo wax sharciga khilaafsan ku kacay iyo goobta oo khatar ku ahayd dadka cumreysanaya.”

Sida ay qortay Jaiiradada Okaz ee dalka Sucuudiga ka soo baxda, waxa uu carrabka ku adkeeyay wakiilku inaan lagu soo dari karin booqashada buurta barnaamijka safarka ee Xujayda iyo dadka Cumreysanaya. Waxa uu ku hanjabay in tallaabo laga qaadi doono shirkadaha go’aankan jabiya.

Buurta Jabal Al-Nuur ayaa waxa ay dhulka ka sarreeyaa 650-mitir, waa goobtii uu waxyigii ugu horreeyay ugu soo dagay Nabi Maxamed N.N.K.H, waxaa ku yaalla godkii uu nabigu ku cibaadaysan jiray ee Qaar Al-Xiraa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close