WararkaWaxbarashada

Yoga oo La Filayo Iney Ka Mid Noqoto Maaddooyinka Waxbarasho ee Iskuulaadka Mareykanka

 

Wargeyska cilmi-nafsiga iyo maareynta anshaxa ee dalka Mareykanka ka soo baxa ayaa tilmaamay in waqti aan sidaa u sii fogayn waxbarashada Mareykanka lagu soo kordhin doono yoga oo ka mid noqoneysa maaddooyinka waxbarashado ee dugsiyada dalkaas lagu barto.

Sida uu sheegayo website-ka “Well and Good“, Cilmi-baarayaal ayaa la shaqeeyay ardayda fasalka saddexaad dugsiga hoose ee iskuullada dadweynaha ee New Orleans, cilmi-baaryaashan waxay ardayda si maalinle ah ugu wadeen jimicsiyada kala duwan ee Yoga ay leedahay.

Ardaydii walwalka dareemayay bilowga sanadka waxay u qaybiyeen Labo kooxood, 32-ka mid ah waxay heleen daryeelkii ay u baahnaayeen ee wadadii caadiga ahayd ee la-talin iyagoo iska wata howlahoodii caadiga ahaa, halka 20-arday oo kalena ay ka qaybqaateen howlo kala duwan oo uu ku jiro layliga neefsashada jihaysan iyo yoga.

Markii Labadaa kooxood la qiimeeyay tayada noloshooda iyo duruufta nasfiyan ay ku sugan yihiin, cilmi-baarayaashu waxay arkeen in yoga ay keentay natiijo wax-ku-ool ah oo miro dhal ah, waxaa yaraaday walwalka iyo walaaca ay ardaydaasi dareemayeen.

Si kastaba, Yoga waa isboortiga jirka iyo maskaxda, asal ahaan waxay ka soo jeeddaa taariikhdii hore ee falsafadda India, noocyo kala duwan ayay leedahay, waxaa ku kulansan farsamooyinka neefsashada, nasiinada maskaxda, fekerka, iyo dhaqdhaqaaqa jirka. Hadda waa mid dunida oo dhan ku shaacsan, waxay ka mid tahay jimicsiyada jirka, danta laga leeyahay waa xakameynta caqliga, jirka iyo qofku inuu helo xasillooni nafeed.

Maandeeq FM

Related Articles

Close