WacyigelinWararkaWaxbarashada

4-Xeeladood oo Lacagta Lagu Kaydsado… Waxaa Dhici Karta Qaarkood Inaaney Ku Cajabgelin… Hantiile ayaase Lagu Noqdaa

 

In lacag meel la dhigto waxay kaa garabsiisaa inaad xilli hore howlgab noqoto si aad nolosha ugu raaxaysato, waxaa dhici karta inaad dhisato guriga riyadaada, halka aad ka helayso xasillooni xitaa waqtiyada aadan lacagta u baahneyn.

Sida uu qoray joornaalka “Reader’s Digest” ee dalka Mareykanka ka soo baxa, waxaa jira 5-xeeladood oo lacagta loo dhigto oo ay horey u sameeyeen rag hadda haysta balaayiin doolar oo hantiileyaal ah.

4-Xeeladood ee lacagta Loo kaydsado

  1. Miisaaniyad goonni ah ha sameysan

David Bach oo ah qoraaga buugga “SMART COUPLES FINISH RICH” , kana tirsan qoraaga jariidada New York Times, ayaa waxa uu ku talinayaa inaan miisaaniyad gaar ah la sameysan, waxa uu leeyahay: “Adigu aad ayaad u mashquulsan tahay, waxaa ku soo gaari kara niyadjab iyo fashil, intii aad miisaaniyad goonni ah sameysan lahayd, shay kasta automatic ka dhig noloshaada maaliyadeed, marka aad noqoto qof si degdeg ah wax uga jawaabo, wax fashil ah ma dareemaysid”. Waxa uu leeyahay lacag kasta oo ku soo gasha bankiga ku shubo.

  1. Lacagtaada Ha Amaahin Saaxiibadaa iyo Qoyskaaga

Jacaylka aad qoyskaaga u haysto ma aha in lagu qiyaaso sida aad deeqsiga ugu tahay, laakiin mararka qaar waa sida dhacda, haddii aad lacag bixin waydo xiriirku waxaa dhici karta inuu xumaado, haddii aad sidaa sameyso, waxaa dhici karta inaadan lacag markale aadan helin, hadhowna naftaada aad in badan eedayso.

Bach waxa uu leeyahay, marka aad cidlo soo istaagto: “Waxaad waayaysaa saaxiibkaa iyo lacagtiiba, waxaa la doonayaa inaad fahamto adigu Bank ma tihid.”

Haddii ay lagama maarmaan noqoto inaad lacag amaahiso/daymiso, qof qaraabadaada ah ama saaxiibkaa, waxaad hubisaa inuu leeyahay waqti goonni ah oo lagu bixinayo iyo jadwal.

  1. Si Caqli ah wax ku bixi

Tom Corley oo  ah khabiir habka hantida lagu tacbo ayaa daraasad ka sameeyay habka ugu wanaagsan ee lacagta loo kharash gareeyo, waxa uu helay Labo waddo oo kala ah:

1-In wax iibsiga uu Jumlo noqdo.

2-In qorshaha cunnada uu yahay mid isbuucle ah, marka aad garaneyso isticmaalkaaga isbuucii waxa aad u baahan tahay, si wanaagsan ayaad u soo adeegan kartaa.

  1. Ka Fogow Tarafka dheeraadka ah

Dadka qaar ayaa waxay isku dayaan iney la jaanqaadaan kolba heerkooda dakhliga oo markasta oo ay wax u kordhaan noloshooda bila, dadka taajiriinta ah sidaa way ka duwan yihiin, inta ay lacagtooda ay meel cidlo ah ku bixin lahaayeen waxay isku dayaan iney kaydsadaan ama ay maalgelin sameeyaan.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close