WararkaWaxbarashada

Daraasad: Nooca Salaantaada Gacanta oo Laga Dheehan Karo Heerka Garaadkaaga

Khubaro Saynisyahanno ah oo ka tirsan Jaamacadda Manchester ayaa daahrogay in dadka salaantooda ay xoogga badan tahay ay  kaga duwan yihiin dadka kale awoodooda caqli ee xooggan iyo xasuus adag xilliga qaangaarka.

Sida qortay jiirada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, Dr Joseph Firth oo daraasaddan wax ka hoggaaminayay ayaa yiri: “Waxaan aragnay xiriir ka dhaxeeya adayga xubnaha iyo caafimaadka maskaxda, hadda waxaan u baahan nahay inaan sugno in maskaxdeennu ay ku hormarayso marka aan sameynayo wax aan jirkeenna ku xoojineyno, tusaale ahaan isboortiga biraha la qaado.”, isagoo ula jeeda markaa in adayga gacanta xilliga salaanta iyo caqli badnaanta xiriirka ay leeyihiin la ogaaday, sidaa darteed loo baahan yahay in la baaro waxa garaadkeenna ku soo kordhaya marka uu qofku jimicsi uu xubnaha jirkiisa ku adkaynayo uu sameeyo.

Daraasaddan ayaa lagu baaray 475-kun oo qof, waxaa la arkay dadka salaantooda gacanta ay xoogga badan tahay ay leeyihiin awoodo dhanka maskaxda ah oo aad u sarreya iyo xasuus adag.

Khubaradan ayaa sheegaya in dadka salaanta gacanta ay daciifka tahay uu hooseeya cufka white matter-ka jirkooda.

Sida ay khubaradani sheegayaan, daraasaddan waxay muujineysaa in salaanta qofka laga dheehan karo isbedellada awoodaha caqliga ee da’da dhexe iyo xilliga duqnimda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close