WararkaWaxbarashada

“Tilmaan Khatar ah”… Daraasad: 5% oo Aadanaha Ka Tirsan Ayaa Hela Hawo Nadiif ah

 

Warbixintii ugu dambeysay ee ka soo baxday “State of Global Air” ee dalka Mareykanka ayaa lagu ogaaday in 95% dadka adduunka ku nool aaney haysan hawo nadiif ah.

Sida uu sheegayo website-ka “Interesting engineering” ee gudaha dalka Mareykanka laga leeyahay,  Hawo-wasakhowga ayaa ah waxay ka baqdaan magaalooyinka waaweyn ee dunida intooda badan.

Hawo-wasakhowgu waxa uu saameeyaa inta badan bulshada faqiirka ah, sidaas oo kale caafimaadka ayuu khatar ku yahay, sanadkii sababtiisa waxaa u dhintan dad farabadan. Warbixin sanadkan bilowgiisii soo baxday ayaa tilmaameysay in baadiyaha India oo kaliya ay sanadkii ku geeriyoodaan 750-kun oo qof oo hawo-wasakhaysan darteed u nafwaaya.

Daraasad uu sameeyay mac’hadka caafimaadka adduunka (HEIC) ee dalka Mareykanka, ayaa lagu sheegay in gaabka u dheexa dowladaha ugu wasakhowga yar iyo kuwa ugu wasakhowga badan uu sanad walba sii kordhayo.

Dowladaha ugu wasakhowga yar adduunka waxaa ka mid ah; Canada, Australia, Finland, Sweden iyo Iceland. halka Dhanka dowladaha ugu wasakhowga badan  ay hoggamineyso dawladda Shiinaha. Waxaa la ogaaday in 5% dadka adduunka ay awoodaan iney hawo fiican ku neefsadaan, waana tilmaan halisteeda leh oo handadaad ku ah nolosha dad badan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close