JaamacadahaWararkaWaxbarashada

3 Waddo oo Kaa Garabsiineysa Akhriska Wanaagsan ee Degdegga ah

Si aad u fahamto khatarta mas’aladdan, ogow in celceliska heerka wax akhriska dunida Carabta ee aan ka qaybta nahay uu yahay safxad afar qaybood loo dhigay qaybteed sanadkii, waana natiijo ka soo baxday guddiga raacsan Golaha sare ee aqoonta Masar.

Dhibaatada ayaa ah in heerkaas xitaa dib looga dhacay, tirakoobka sanadkii 2003 ee Human Development aadanah ee ka soo baxay UNESCO uu tilmaamay in 80 qof ee Carbeed ay akhriyaan Hal-buug sanadkii, halka qof ee reer Yurub ahna uu akhriyo 35-buug, qofka Israel u dhashayna uu akhriyo 40-buug sanadkii.

Hadaba, warbixinteenan waxaan ku eegaynaa talooyin kugu garabsiinaya inaad kor u qaaddo tirada buugaagta aad akhrinayso iyo heerkaaga wax akhriska guud ee sanadkii, maadama aan tartan kula jirno dalala badan oo dunida ah:

Wadada Koowaad| Iska Illow akhriska Buuxa ee B ilaa Y ah

Akhriska B ilaa Y,  waa arrin aan wax nacfi ah oo sidaa u sii buuran aan lahayn, waxaa jira cilmi-baarisyo la sameeyay oo lagu ogaaday in inta badan buugaagta nuxurkooda lagu soo koobi karo 20-bayj ugu badnaan, laakiin sabab gacansi ay ugu badan tahay loo kordhiyo tirada safxadaha loona buuxiyo buugaagta; dabcan waxaa jiri kara buugaag aan lasoo koobi karin sida; kuwa cilmiga ah oo kale.

Waxaa Jira Labo Nooc oo Buugaag ah:

-Buug hal-fikir ku dulwareegaya

Waxa uu ka hadlayaa hal-fikir oo is haysta oo si mug leh loo dhex galayo, waxaad arkaysaa in si aad ah loo buuxiyo, buugga noocaas oo kale,  mar kasta oo aad dareento inaad fikiradda uu buuggu xambaarsan yahay inaad fahamtay halkaas uga gaabso, adigoon gudaha u sii gelin.

-Buugaagta hal-fikir wax ka badan xambaarsan

Waa buug talooyin kala duwan bixinaya, sidaa darteed macluumaadkaa faa’idada leh waxaad ku arkaysaa fasal kasta bilowgiisa, inta soo hartay firkaddaas ayay sharxasaa oo hoos loo siigalayaa, waxaa halkan lagula talinayaa marka aad fikradda fahamto inaad iskaga tagto oo aad u gudubto fikradaha kale ee xigta.

Buugaagta caadiga ah waxay ku dhex wareegaan hal-firkad ama labo, buugaagta wanaagsan waxay leeyihiin labo firkadood ilaa saddex, buugaagta qiimaha badan waxay soo gudbiyaan saddex fikradood ilaa shan oo buugga laga dhex heli karo. Inta badan buugaagtu kuwo caadi ah ayay u badan yihiin, mudadii aad hal-buug ku akhrin lahayd ayaad kaga faa’idaysan kartaa akhrinta 10-buug, sanad gudihii waxaad ku akhrin kartaa 120-buug halka qof kale uu 12-buug ku akhrinayo.

Wadada Labaad|Buugga aad akhrineyso Waqti ha u qaban

Waxaan ula jeednaa haddii buug kaligiis akhriskiisa aad u qabato muddo bil ah waxay u badan tahay inuu mudada kaa qaato, haddiise aad naftaada u qabato maalin ama isbuuc waxay u badan tahay inaad mudada ku akhriso, waa khiyaanooyinka caqli ah oo ay isticmaalaan khubarada cilmi-nafsiga, waxaad naftaada ku cadaadineysaa in mudadii loogu talogalay ay ku soo gabagabayso, adigoo ka gudbaya fikradaha aad u aragto inaaney muhiim sidaas u sii badan ahayn.

Wadada Saddexaad|Akhri Buugaagta aad fahmayso

Haddii aad akhriso buug aad u adag waxa uu kugu ridayaa niyad-jab aad muddo uga fogaan karto wax akhriska, ku dadaal buugga aad akhrineyso inuu noqdo mid aad fikraddiisa iyo wadada uu ku socdo aad fahmi karo.

Ugu dambeyn, Akhriska wacyiga leh ee heerka sare ah lagama eego tirada buugaagta aad akhriso, waxaase muhiim ah fikradaha iyo aqoonta aad ka korosato, iska dhaaf akhrinta dhameyska ee B ilaa Y-da ah, naftaada waqti kooban u qabo si aad wax u akhriso, is- bar oo akhri buugaagta aad fahmi karto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close